Caddaynta xaqa & nasiixada xaq doonka Bug uu qoray sheikh Cabdu-Rasaq Yuusuf aadan { 29 Nov 2009}
waxaa la daabacay Sun 29 Nov 2009 04: 31: 06

GOGOL-DHIG GUUD

Ilaaha Weyn ee Waaxidka ah ee Kalidii Xaqa lagu caabudo ayey mahadi u sugnaatay. Salli iyo Salaam Nabiga Suubban dushiisa Allaha yeelo.

Intaa kadib, walaalayaal, Ilaahey (SW) wuxuu naga reebay noogana digey khilaafka iyo kala tagga oo ay ugu wayntahay khilaafka Caqiidada.

Khilaafkaas wuxuu Rasuulka (CSWS) noo sheegay inuu ku dhacay Yahuudda, Nasaarada iyo Bidcada oo mid waliba u kala baxday 72 todobaatan iyo laba Firqo.

Sidoo kale, wuxuu na amray inaan dhammaanteen qabsanno Ilaahay xariggiisa oo aynaan kala tegin.

Sidaa awgeed, ayey kutubta ugu waawayn ee Tafaasiirta Quraanka, Axaadiista Rasuulka (csw), Usuulul Fiqhiga, Kutubta Caqiidadda iyo dhammaan kutubta lamidka ah ee Diinta Islaamku cadeeyeen in kuwa sidaas ku sugnaaday ee Qaatay Amarka Ilaahay ay yihiin kuwa aan isku khilaafin Usuusha ama Caqiidada Diinta Islaamka.

Waxay dhammaan Imaamyaalka Islaamku isku raaceen in Firqada toosan ee Rasuulka (CSWS) sheegay tahay Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca.

Waxaa waqtigii diiwaan gelinta Madaahibta Islaamka kadib lagu Ijmaacay, in Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ku kulansan yihiin Afarta Mad-hab ee kala ah:-
1- Xanafiya
2- Maalikiya
3- Shaaficiya
4- Xambaliya.

Afar-taan Mad-hab, Islaamka ayaa sugay Imaam-nimadooda iyo xaq-nimadooda waqtigii Salafu-saalixa, ee Rasuulka (CSWS) uu uga marqaatiga kacay kheyrka iyo fadliga ay dheer yihiin ummadda inteeda kale.

Cid Alla iyo ciddii aan heysan waqtigan Mad-hab ka mid ah Afartaa Mad-hab, waa cid aan ku camal falin Kitaabka Ilaahey iyo sunnada Rasuulka (CSW) ee Itibaaca ku dhisan, waana cid khilaaftay Ijmaacii Mu-miniinta.

Ilaahey ayaana u ballan qaaday in uu Naarta Jahanamo gelinayo ciddii khilaafta Ijmaaca Mu-miniinta sida ku cad aayada 115, ee Suuradda AL-nisaa.
Haddaba, haddii aan intaa ku soo koobno faaladii gaabnayd ee ka hadleysey firqadii toosnayd ee Ahlu Sunna waljamaaca, ee Rasuulka (CSWS) caddeeyey inay badbaadeyso, ayaa waxaa lagama maarmaan ah in aan dib u qooraansano 72-dii Firqo ee Rasuulku (CSWS) sheegay inay Naarta gelayaan.

Kuwaas waxaa loo yaqaan Bidco, waqti kastana qas iyo qalaanqal ayey ka dhex abuuri jireen dadka Muslimiinta ah, iyagoo Tashwiish iyo dasiiso ka gelinaya Caqiidadooda Saxiixa ah.

Mar kasta oo Bidcadaasi soo if baxdo waxaa waajib ku noqonayey Culamada Sunniyiinta ah ee aqoonta u leh habka loo difaaco qatarta Bidcada, inay raddiyaan, ka digaan, isla markaana fashaliyaan ula jeedooyinkooda Bidcanimada ku dhisan.

Waxaa sidoo kale, waajib ku noqonayay Xukuumadda Islaamka in ay Culamada gacan ku siiso ka hortagga dadka Bidcada ah. Waayo, Bidcadu waa Munkar ama Dembi Islaamka laga galo midka ugu qatarta badan, uguna sharta badan.

Sida Rasuulka (CSWS) ku sheegay Xaddiis ku sugan kitaabka Saxiixul-Muslim oo macnahiisu yahay: Bidcada ayaa ugu shar badan waxa Ilaahey abuuray oo dhan, mid Caqli leh iyo mid aan Caqli lahayn intaba.

Haddaba, haddii aan Culamada iyo Madaxduba si wadajir ah uga hortegin Bidcadaas Munkarka ah, Shacabkuna ku gacan siin ka hortegiddooda, dembi weyn ayay wada gelayaan; Caradii Ilaahey ayaana ku degeneysa, waxayna Rabbi (SW) agtiisa ka muteysanayaan Ciqaab weyn.

Sida uu Rasuulka (CSW) ku yiri Xadiis Bukhaari weriyey oo macnihiisu yahay:- Bidciga iyo bidci kalkaalka Lacnaddii Ilaahey, lacnadii malaa-ikta iyo lacnadii dadka oo dhan dushiisa ha ahaato (ha ku dhacdo) Ilaaheyna ka aqbali mayo waajib iyo sunna midna.

Xadiis kale oo Ibnu Maajah weriyey ayaa macnihiisu yahay “ Ilaahey qofka Bidciga ah ka aqbali maayo Salaad, Soon, Saddaqo, Xaj, Cumro iyo Jihaad toona”.

Sidoo kale, qaar Salafka ka mid ihi waxay yiraahdeen, “mar kasta oo uu Bidcigu isku dayo inuu si adag ugu dadaalo cibaado badinta, Ilaahay ayuu ka sii fogaanayaa, Rabbi caradiisa ayaana u sii kordheysa. Waayo, waxaay Shariicada Islaamku diideysaa in dadku ku kedsoomaan oo u maleeyaan ruux fiican oo kheyr sameynaya.

Qaar kale oo ka mid ah Culimada Salafka waxay sii raaciyeen “Qofkii Bidci jeclaada Ilaahey ayaa camalkiisa hoobinaya (baabi-inaya) qalbigiisana wuxuu Ilaahey ka tirtirayaa nuurka Islaamka”.
Haddaba, si ay halistaa uga samata baxaan, jidka Ilaahey iyo jidka Rasuulkana u raacaan ayaa culumaa-udiinka iyo hogaamiyayaasha Islaamku waqti kasta oo Bidcadu soo baxdo kala hortegayeen af iyo addin.

Maxaa yeelay waxay culamada Islaamku ka qorayeen kutub iyo Risaalooyin kala duwan oo Bidcada ku Raddinayaan. Qoraaladaas waxaa laga helaa maanta Maktabad kasta oo Islaami ah iyo qof kasta oo Diinta wax ka yaqaan agtiisa; waxaanna aad ugu faah-faahinay Juska 3aad, ee kitaabkaan.

Haddii aan taariikhda dib ugu laabanno, Bidcadii ugu horeysey ee keenta khilaaf xagga Caqiidada ah waxay ahayd Bidcada la yiraahdo Khawaarijta.

Sayid Cali (RC) iyo Asxaabtii uu hoggaaminayey markii hore waxay kala hortageen Bidcada Raddi iyo Xujooyin, kadibna wixii soo hanuuni waayey gacanta ayay ula tageen. Wuxuu Ilaahey Sayid Cali (KW) ku guuleeyey in uu burburiyo dhammaan xoogaggii Bidcada Khawaarijta.

Intaa kadib, waxaa soo baxay Bidcadii la oran jiray Qaddariya, waxaana baaq ka soo saaray Isla markaana Muslimiinta uga digay Asxaabtii Rasuulka (CSW) ee waqtigaas joogtay caalimiintoodii sida:- C/laahi Ibnu Cumar, Jaabir Ibnu Cabdilaahi, Abuu Hureyra, C/laahi Ibnu Cabbaas, Aanas Ibnu Maalik, C/laahi Ibnu Abii Awfaa, Cuqbah Ibnu Caamir. Asaxaab-taas, Allaha ka raalli noqdo dhammaantood.

Caarifiintaas Asxaabta waxay Muslimiintii ka dambeysey u dardaarmeen:-

1. In aan Bidcada la Salaami karin.
2. In aan Janaaso lagu tukan karin.
3. In aan la booqan karin kuwooda jiran.

Iyo arrimo kuwaas la mid ah oo dhammaantood caddeynaya in aan Bidcada wax xiriir ah lala sameyn karin, loona ixsaan fali karin, haddii aaney ka Tawbad keenin, kana bixin Bidcannimada ay ku sugan yihiin.

Sidaa ayay Bidcooyinku u soo baxayeen waqtiba waqtiga ka dambeeya, Culamada iyo madaxda Islaamkuna ummadda uga takoorayeen, ugana hortegayeen ilaa laga soo gaaro dabayaaqadii Qarnigii Saddexaad ee Hijriyada oo ay soo baxeen labadii imaam ee waaweynaa ee Abul Xasan Al-Ashcari iyo Abuu Mansuur Al-Maaturiiddi.

Culammadaas waxay buuxiyeen doorkii Imaam-yaalkii ka horreeyey ee ka hortegi jirey Bidcada. Waxay ku kordhiyeen Adillooyin iyo Xujooyin aad u xoog badan, ilaa Ahlu-cilmigii ka dambeeyey u aqoonsadaan Imaamyaalkii Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca. Imaamyaalkaas waxay ka mid ahaayeen isla markaana lagu khatimay culammadii saddexdii qarni ee barakeysneyd ee loo yaqiin Salafu Saalix.

Intaa kadib, waxaa caddeynta Xaqa iyo Raddigii Bidcada halkaas ka sii wadey Culamadii Islaamka ee ku abtirsaneysay Afarta Mad-hab ilaa laga soo gaaro waqtigan aan hadda joogno.

Wuxuu Rasuulka (CSWS) caddeeyey, in marna aanay dhammaaneyn dad xaqa caddaynaya baadilka iyo Bidcadana ka hortaga Ilaa iyo inta qiyaamuhu ka soo dhowaanayo, adduunyadana laga waynayo qof mu’min ah.

Haddaba, si aan u qaadanno dariiqaas toosan ee lagu soo bad-baadiyey Diinta Islaamka, ayaa waxaan qoraalkan uga hadlaynaa Firqada Wahaabiyada, oo ah Bidcada ugu sharta badan xilligaan aan ku jirno; waayo waxaa ka dambeeya Dowlad dhaqaale weyn leh oo muslim sheeganaysa iyo kuwo badan oo gaalo ah oo si dadban u howl-gala sida noogu imaan doonta qoraalkaan.

Sidaas darteed, waxaa nagu waajib ah inaan ka digno Bidcadaan, si aan uga badbaadsanno diinteena dadkeenna iyo dalkeenna; waana arrintaan midda sababtey qoraalka kitaabkaan oo ka kooban saddexda qaybood ee kala ah.
▼ Juska 1aad: Taariikhda Wahaabiyada. Wahaabiyada (oo dal-keenna looga yaqaan magacyo kala duwan sida Al-Itixaad, Ikhwaan, Waxdad, iyo iwm) xaggay ka soo jeedaan? Yaa Xaramaynka noo fadhiisiyey? Siday ku yimaadeen Xukumka sacuudiga? iwm.
▼ Juska 2aad: Caqiidada & Afkaarta Wahaabiyada. (Caddaynta baadilnimada Caqiidada & Afkaarta wahaabiyada iyo Saxnimada Caqiidada Ahlu Sunna wal jamaaca).
▼ Juska 3aad: Mowqifka Diinta Ka Istaagtay Bidcada. (Muxuu yahay xugumka iyo go’aanka islaamku ka qaatay Bidcada)

Inkastoo Mawduuca Juska 1aad ka hadlayo Taariikh, Juska 2aad & 3aad-na ka hadlayaan Adilla, Raddi iyo Naqdi, haddane ujeedada ama yoolku waa mid kaliya waana CADDAYNTA XAQQA & NASIIXADA XAQDOONKA.

Jus kasta wuxuu leeyahay Horudhac iyo Gogol-dhig u gaar ah, maadaama mawduucyada 3da jus kala duwan yihiin.

Ilaahay hana siiyo Maxabbada Rasuulka (CSWS) Hana na raacsiiyo Sunnadiisa.

Aammiin.





MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved