Taliyaha ciidammada Ahlu sunna Axmad dheere oo ka warbixiyay howlgalo ay ciidamadu kasameeyeen magaalada gaal kacyo ee caasimadda gobolka Mudug. { 29 Nov 2009}
waxaa la daabacay Sun 29 Nov 2009 04: 22: 33
Ciidammada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo garab ka helaya degaanka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa magaalada ka sameeyey howl gallo lagu sugayay ammaanka oo maalmihii la soo dhaafay ay ciidamadu ka wadeen gudaha Gaalkacyo , waxayna ciidammada daba galla xoogan ku hayaan kooxaha falalka burcadnimo ka ka geysanaya magaalada Gaalkacyo.

Axmed Max’ed Xaashi (Axmed Dheere) taliyaha ciidamada Ahlu Sunna ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ay ku soo qab qabteen dad lagu tuhunsanyahay in ay gacan ka gaysteen qal qal gelinta amniga. Taliyaha ayaa intaas ku daray in la mamnuucay in habeen madow gudaha qori lagu qaato koofurta Magaalada Gaalkacyo , cidii lagu arkana qoriga laga qaadayo xabsigana la dhigayo.

ciidammada ahlu sunna wal-jamaaca ayaa looga bartay inay fashilayaan dilalka qorshaysan ee gaadmada ah ee ay fuliyaan kooxaha ay soo adeegsadaan khawarijta casriga ee shabaab iwm. Haddana waxay shacabka soomaaliyeed ciidammada ahlu sunna iyo culammaa'udiinkooda inay soo ciliyaan haybadda ummadda soomaaliyeed ku lahayd caalamka.

Ahlusunna.org kala soco wixii xog ah







MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved