|
Kala baro in aad tahay Ahlusunnah wal-jamaacah iyo inaad tahay Bidci
{ 27 Nov 2009} |
|
waxaa
la daabacay Fri 27 Nov 2009
21: 25: 38
|
Qaybtii 1-aad iyo 2-aad ee qoraalkan barakaysan waxaan uga soo hadalnay :
• Aayadihii Quraanka kariimka iyo Axaadiista Rasuulka CSWS ee caddeynayey
calaamadaha lagu garto cidda ah ahlu sunna wal-jamaaca.
• Waxaan ka soo hadalnay imaamyaalkii ahlu sunna wal-jamaaca oo aan ka soo billaawnay saaxiibbadii Rasuulka CSWS oo ay ugu horreeyaan Khulafa'uRaashidiinta .
• Waxaan ku xijinnay Taabiciintii cilmiga ka qaatay Asaxaabta Rasuulka CSW .
• Waxaan ku xijinnay Taabicu Taabiciintii cilmiga ka qaatay Taabiciinta oo ay ugu
weynyihiin imaamyaalka madaahibta .
• Waxaan ku xijinay Imaamyaalka Qarnigii labaad ee qaatay kana faa'iidaystay
Madaahibta Xanafiya , Maalikiya , iyo Shaaficiyah .
• Casharkan maanta waxaan doonaynaa in aan ku daraasayno Imaamyaalkii qarnigii
saddexaad ee cilmiga ka qaatay imaamyaalka madaahibta ee dhaxlay cilmiga
Asaxaabta iyo Taabiciinta , waxaanna ugu hor marinaynaa :-
Qarnigii 3aad
Imaamyaalka cilmiga ka qaatay Imaamyaalka Madaahibta.
cilmiga taabicu taabiciintu ka dhaxleen taabiciintii Saxaabada Rasuulka waxaa dhmaantiis dhaxlay caalimiintii diinta ka bartay imaamyaalka madaahibta .
Imamyaalkii ku sugnaa billawga qarniga 3-aad waxaa ka mid ahaa Imaam Axmad ibnu Xanbal oo ah imaamka mad’habka xanbaliyada , Imaam Yaxya ibnu Maciin Imaamka cilmiga Jarxiga iyo Tacdiilka , Imaam Abuu Thawr , Imaam Isxaaq Ibnu Raahawayhi iyo imaamyaal kale oo aad ugu waawayn Diinta Islaamka.
Imaamyaalka qarniga saddexaad waxaa ku sugnaa Imaamyaalkii Axaadista Rasuulka oo kala ah Imaam Bukhaari , Imaaam Muslim , Imaam Abuu Daa’ud , Imaam Tarmadi , Imaam Nasaa’i iyo Imaam Ibnu Maajah.
Imaamyaalkan axaadiista ee uu imam Bukhaari ugu weynyahay waxay cilmiga ka qaaateen Imaamyaalka madaahibta .Waxaa isla qarnigan 3-aad la diiwaaniyey qawaacidda cilmiga Tasawufka Suufiyada oo uu ssheekh u ahaa Imaam Abul-Qaasim Al-Junayd , dabayaaqadii Qarnigan waxaa soo baxay Imaam Abul-Xasan Al-ashcari iyo Imaam Abuu Mansuur Al-Maaturiidi oo kala ah Imaamyaalka Ashcariyada iyo Maaturiidiyada.
Imaamyaalka Qarnigii 3-aad ee xoojiyey Madaahibta Xanafiya , Maalikiya , Shaaficiya iyo Xanbaliyah
cilmigii laga dhaxlay asaxaabta taabiciinta iyo taabiciinta wuxuu isugu soo biya shubtay oo ku soo aruuray caalimiinta Diinta ka bartay Imaamyaalka Madaahibta . waxaa imaamyaalkaas ka mid ahaa :-
Imaam Abuu Lays, Imaam Muxamad Al-Salaj, Imaamu Dawlaabi . Imaamul – Mawaaz, Imaam Abuu Isxaaq Al-Qurdubi, Imaam Ismaaciil Al-qaadii , Imaam Ibnu Cabduus , Imaam Ibnu Saxnuun , Imaam abuu Marwaan Al-Maajisuun , Imam Muzani , Imaam Rabiic , Imaam Sacfaraani , Imaam Abuu Sawr , Imaam Anmaadi, Imaam Ibnu sureyj . Imaam Al-Marwasi , Imaamul – Athram, Imaam Ibraahim Al-Xarbi , Imaam Abuubakar al-Khallaal,
Tan waxay kuu caddaynasaa in afarta mad’hab ay taabba galeeen waqtigii salafu –Saalixa , imaamyaalka madaahibtuna yihiin caalimiinta ahlu-sunna wal-jamaaca ,sidaas darteed firqooyinka diidan madaahibta ay yihiin Bidca ka soo horjeedda salaf-kii suubbanaa iyo guud ahaan Ahlu-sunna wal-jamaaca .
Mujtahidiinta kale ee cilmiga ka qaatay Imaamyaalka Madaahibta
Mujtahidiintii , caalimiintii iyo caarifiintii ku sugnaa qarniga 3-aad ee cilmiga ka qaatay imaamyaalka madaahibta waxa ka mid ah : IMaam Abuu Cubayd , Imaam Ibnu Khuzaymah , Imaam Abuu sawr , Imaam Sarriyu Saqdi al-sufi , Imaam Bishri ibnul-Xaaris al-suufii , Imaam Axmad Ibnu Abil-Xawaari asuufi, Imaam Bishri al-xaafii, Imaam Ibnu masruuq asuufi , Imaam abuu cusmaan Al-Xiiri alsuufi, Imaam Ibnu Cabdil-Jabbaar asufi .
Saddexdan qarni & Ahlu-sunna wal-jamaca.
waxaan soo ogaanay in Axaadiista saxiixa ah ee ay weriyeen Bukhaari iyo muslim , uu Rasuulka CSW ku caddeeyey in imaamyaalkii ku suganaa saddexdan qarni ay yihiin kuwa ugu fadliga badan muslimiinta,
عن عائشة رضى اله عنها قالت : شأل رجل النبي صلى الله عليه وسلم أى الناس خير ؟ قال : القرن الذى أنا فيه ثم الثانى ثم الثالث . رواه مسلم وأحمد.
Sida aad arkaysiin saddexdan qarni waxaa ku sugnaa imaamyaalkii madaahibta , imaamyaalkii suufiyada , Imaamyaalkii Ashcaiyada iyo maaturiidiya.
Nasiib wanaag ummadda soomaaliyeed waxay ka mid yihiin malaayiinta muslimiinta ah ee haysta madaahibta ahlu-sunna kuna abtirsada Imaamyaalkaas Salafka ah .
waa dad shaaficiya ah , Ashcariya ah, Suufiya ah . kuna abtirsada Rasuulka CSWS.
• Imaamka mad’habteenna Sheekh Shaafici, waxaa sheikh u ah Imaam maalik oo sheekhiisu yahay Imaam Naafic oo diinta ka qaatay Cabdullaahi ibnu Cumar ibnul-haddaab RCM oo ah Saxaabi diinta ka qatay Rasuulkeenna Muxammad CSW.
• Imam Junayd, waa imaamka suufiyada ee ay ku abtirsadaan labada dariqa ee
Qaadiriyada iyo Axmadiyah – idriisiyah-, imaam Junaydi waxaa sheekhyadiisa ka mid ah Imaam Sarri Saqdi , oo uu sheekh u ayhay imam Fudayl Ibnu Cayaad oo sheekhiisu yahay Al-Sayid imaam Jacfaru-Saadiq oo uu sheekh u yahay Al-sayid Imaam Muxammadul-Baaqir oo sheekhiisu yahay Aabbihii Al-sayid Imam Saynul-Caabidiin , Al-Imaam Al-Sayid Xasan ( Sibdigii iyo reexaantii RAsuulka wiilkii faadimatu-Sahra oo dhaxlay Aabihii Al-Sayid Cali Ibnu Abii – Daalib oo cilmiga ka qaatay Rasuu-ka suubban CSWS.
• Imaam Ashcari, waa Imaamka culamada soomaaliyeed ugu abtirsadaan dhanka caqiiddada , waxaana mudda kun sano ah ku abtirsanayey imaamyaalka ugu faraha badan culammada diinta Islaamka. Imaam Ashcari waxaa sheekhyadiisa Cilmiga ka mid ah Imaam Isxaaq Al-Marwazi, oo ka qaatay Imaam Ibnu Surayj, Imaam Anmaadi , Imaam Rabiic iyo Imaam Musani Imaam Shaafici , Imaam Muslim Ibnu Khaalid, Imaam Ibnu Jurayj, Imaam Cadaa , Imaam C/Laahi Ibnu Cabbaas RC oo ka qaatay asaxaabtii waawaynayd iyo Rasuulkii Ilaahay SCW. Abtiriskaan nuurka leh wuxuu kuu caddaynayaa :-
- In Soomaaliya ay weligood haysteen dariiqa ahlu-sunna wal-jamaaca eek u abtirsada salafka suubban iyo Rasuulka CSW .
- in Wahaabiyada iyo dhamman kooxaha gadaal ka yimidna ay yihiin bidca aan lahayn abtiris diineed , khilaafsanna ahlu-sunna , si khaldanna u fasirta diinta Islaamka.
Culammada soomaaliyeed waxay aaminsanyihiin in maaturiidiya ay la mid yihiin Ashcariya oo ay yihiin ahlu-sunna wal-jamaaca , waxay culammadeennu aqriyaan kutubta Maaturiidiyada sida Bad’ul-Ammaal-ka iyo Nasafiyada .
Imaamka maaturiidiyada waxaa la yiraahdaa Muxammad Ibnu Muxammad Ibnu Maxamuud (Abuu Mansuur Al-Maaturiidi ) imaamka wuxuu ku sugnaa Qarnigii saddexaad dhammaadkiisa ilaa billawga qarnigii 4-aad. imaam Maaturiidi wuxuu culuumta diinta ka qaatay Imaam Abuu Nasri al-Cayaadi oo isna ka qaatay Imaam Muxammad Ibnu muqaatil , oo ka qaatay , Imaam Wakiic , oo ka qaatay , Imaam abuu Xaniifah , oo ka qaatay , Imaam Cadaa Ibnu Abii Rabaax , oo ka qaatay saxaabigii jaliilka ahaa al-Sayid cabdullaahi Ibnu Cabbaas RC oo ka qaatay xabiibkii Rabbi SWT ee Rasuulkeenna Muxammad CSWS.
waxaa kale oo imaam maaturiidi dhinaca cilmiga ku abtirsadaa :
Al-Imaam abuubakar Al-Jawzjaani , oo ka qatay Imaam Abuu Sulaymaan Muusaa Al-Jawzjani , oo ka qaatay Imaam Abuu Yuusuf iyo Imaam Muxammad Ibnu Xasan Al-Shaybaani oo ka qaatay Imaam Abuuxaniifa oo ka qatay Imaam Xammaad Ibnu Abii sulaymaan , oo ka qaatay khaadimkii Rasuulka Aanas ibnu Maalik RC oo ka qaatay Rasuululaahi Muxammad CSWS.
Caalimiinta ku abtirsada afarta mad’hab , Suufiya , ashcariya iyo Maauriidiya ma aha kuwa mar baaba’a marna soo baxa sida bidcada waa kuwa jooga qarni kasta; sidaas awgeed , ku sifoobay Xadiskii Rasuulka CSWS uu ku tilmaamay firqada xaqa ah ee uu sheegay in aanay weligeed kala go’ayn.
Waxaan soo ogaannay sida saddexdii qarni ee aan soo xusnay ay isugu xirnaayeen Rasuulka CSW Asxaabta , Taabiciinta , iyo imaamyaalka madaahibta iyo Tasawufka ; haddana waxaan halkaan ka sii wadaynaa qarniyada dhimman oo uu ugu horreeyo :-
Lajnada wacyi gelinta Ahlu sunna Wal-Jamaaca
ahlusunna.org
|
|
|
|
|