|
Caddaynta xaqa & nasiixada xaq doonka
{ 21 Nov 2009} |
|
waxaa
la daabacay Sat 21 Nov 2009
23: 34: 58
|
Buug uu qoray sheekh Cabdu-Razaaq Yuusuf aadan.
HORUDHAC
Waxaan ku billaabayaa magaca Ilaahey, Salli iyo Salaam tacdiim lala xiriireyna Nabiga suuban, Aalkiisa iyo Asaxaabtiisa dushooda Allaha yeelo.
Intaa kadib, Ilaahey hana hanuuniyo, Rilladiisana hana siiyee wuxuu Rususha oo dhan u soo diray, Anbiyada oo dhan u soo bixiyey, Kutubta oo dhanna u soo dejiyey in la hirgeliyo kalimada Taqwa-Laah, oo macneheedu yahay In Ilaahey (SW) laga cabsado oo la fartoomo wixii Alle amaray, lagana fogaado wixii uu reebay.
Kelimada Taqwa-Laah Diinta oo dhan iyada ayay hoos imaaneysaa, iyada ayayna fasireysaa, waxayna ku faraysaa hab sami ula dhaqanka Ilaahey iyo khalqigiisa, taasoo ah:-
• Hagaajinta Caqiidada wanaagsan.
• Hagaajinta Cibaadada suuban .
• Hagaajinta Dhaqanka Ilaahay Addoomankiisa.
Taqwada Ilaahey waa jidkii Mu-miniinta, waana dabeecaddii Anbiyada. Qofkii Ilaahey ka baqaa wuxuu helayaa Khayr dhammaantii,waxaana laga xijaabaa shar dhammaanteed, adduun iyo aakhiro intaba.
In badan ayuu Ilaahey (SW) Quraankiisa Kariimka ah ku caddeeyey in kuwa Ilaahey ka cabsada uu gacan siinayo, dhibaato kasta oo ku dhacdana ka bixinayo, uuna ka risaq siinayo meel aysan ka malaysaneyn. Ilaahey wuxuu u ballan qaaday in uu siinayo Jannadiisa waasica ah, uu ka xoraynayo Naarta xanuunka badan, uuna u siyaadinayo cilmiga uu bartay oo la siinayo Cilmi laduni ah.
Runtii lama soo koobi karo khayrka weyn ee laga dhaxlayo fulinta Ilaahey cabsidiisa, maadaama ay caddaatay in ay ku idishahay faa-iido Adduun iyo mid Aakhiro intaba. Iyadoo la ogyahay in ay ugu weyn tahay faa-iidada laga helayo cabsida Ilaahay, aragtida Mu-miniintu arkayaan Rabbigooda abuuray; Taasoo ah bishaarada ugu wayn ee Ilaahay (SW) iyo Rasuulkiisu (CSWS) ugu bishaareeyeen Muuminiinta, marka la joogo daarta aan laga dhimanayn ee Jannada dhexdeeda ah.
Haddaba, si aanu u helno faa-iidooyinkaa faraha badan ee Ilaahey u ballan qaaday kuwa ka cabsada, waxaa lagama maarmaan ah in aan intii karaan-keena ah gudanno waajibka naga saaran meel marinta, fulinta, is-faridda iyo qaadashada Ilaahey cabsidiisa. Waxaa lagama maarmaan ah inaan ogaanno maraatibta Taqwada Ilaahey, oo macneheedu yahay sida loo kala hor marinayo waxaay Taqwada Ilaahay na fareyso iyo waxaay naga reebeyso, si dambiba dambiga uu ka weyn yahay looga digo, loona reebo.
waxaad arkeysaa Dad badan oo Ducaad sheeganaya oo ka dhunsan qaabka Munkarka looga hortago iyo qaabka loo kala hormarinayo. Taas waxay keentay inay iyagu dhumaan, dadkana dhumiyaan, iska dhaaf in ay wax hanuuniyaan oo Taqwadii Ilaahey hirgeliyaane.
Tusaale , haddii aan u soo qaadanno, waxaad arkeysaa kuwo aan ka digayn, oggoleynna in laga digo Caqiido xumida iyo Bidcanimada, isla markaana ka digaya dambiyada, sida cayaaraha, heesaha, buraanburada, dubnadaha, shaxda iwm. Waxaad arkaysaa inay mar mar aan badnayn ka digayaan qaar ka mid ah dunuubta waaweyn ee Kabaa-irta, sida dilka, dhaca, sinada iwm laakiin aanay kadigayn dambiyo intaas oo dhan ka waaweyn sida Bidcannimada, Bidci xiriirinta iyo ka digid la-aanta Bidcada.
Haddii aan wax ka xusno qaabka Taqwada Ilaahey na fareyso iyo sida Munkar reebidda loo kala hormarinayo waxay tahay;-
1. Gaalnimadda iyo qaybeheeda, midda muuqata iyo midda qarsoon intaba.
2. Bidcannimada oo ah Caqiiddo xumida.
3. Bidco u kaalmeynta iyo Bidco `.
4. Dambiyada Kabaa-irta sida Dilka, Dhaca, Sinada, Sixirka, Khamriga, Qamarka iwm.
5. Dambiyada yar yar ee loo yaqaano Saqaa-irta.
6. iyo Shub-hooyinka.
Waxaa dunuubtaa iyo munkarradaa oo dhan ugu qatarsan uguna shar badan ka hortagiddeeda iyo ka digisteedana loogu hormarinyaaBidcinimada. Sida uu ku caddeeyey Rasuulku (CSW) Xadiis Saxiix ah oo macnahiisu yahay “Bidcada ayaa ugu shar badan waxa Ilaahey abuuray ee caqliga leh iyo waxa aan caqliga lahayn”.
Sababta ay uga shar bateen Gaalada waxay tahay ayay yiraahdeen Imaamyadii Islaamku, gaalka qof kastaa wuu yaqaanaa waxa uu yahay, diinna kuugu soo gamban maayo sida bidcada.
Dhanka kale, Bidciga waa lagu khaldanmayaa, waayo Qur-aankii iyo Axaadiistii ayuu aqrinayaa, wuu Tukanayaa wuu Cibaadeysanayaa, Caqiiqadadii xumeydna wuu ku hoos qarinayaa, wuuna faafinayaa, sidaa ayuuna dadka ku lunsanayaa.
Rasuulka (CSWS) wuxuu caddeeyey: in aan Bidcada laga aqbaleyn wax kasta oo khayr ah oo ay sameeyaan, ilaa ay ka soo baxaan Caqiidada xun ee Bidcannimada ah, ayna qaataan Caqiidada fiican ee Saxiixada ah.
Haddaba, ogaada Ilaahey kacabso waxa ugu weyn uguna horreeya Gaal ha noqon, Bidcina ha noqon. Qofkii aan labadaas ka degin ee dambiyada kale ee ka hooseeya ka digaya, waa qof aan Ilaahey ka cabsigaba fahmin oo aysan u bannaaneyn in uu cid wax u sheego illeyn isaga ayaaba lunsane.
Qofkii aan ka digin Gaalnimada iyo Bidcanimada ee ku booda dambiyada ka yaryar wuxuu mudan yahay in la tuhmeysto oo looga shakiyo inuu Bidcada ka tirsan yahay ama uu xiriir la leeyahay.
Munkarrada ka hooseeya Gaalnimada, Munaafaqnimada iyo Bidcinnimada sida Dilka, Sinada iyo dhamaan dambiyada kale waxaa ka digi kara culamada Caqiidada wanaagsan ee munkarrada oo dhan u yaqaanna dambiyo aan Ilaahey ka raali ahayn, una kala hor marisa sida ay u kala horreeyaan una kala qatarsan yihiin.
Walaalayaal, si aan ugu istaagno fulinta amarkii Rabbi (SW) na amray ee Taqwada Ilaahey, oo ah in macruufka la is faro munkar-kana layska reebo, ayaa waxaan ugu hor marinaynaa ka digista munkarka ugu qatarsan uguna sharta badan ee loo yaqaan Ahlul-Bidac Wa-Dalaalah.
Ka digista Bidcada waxaan u cuskanaynaa kuwa ugu waawayn Kutubta Axaadiista Rasuulka (CSWS) ee
Saxiixul-bukhaari, Saxiixu-muslim, kutubta Sunanka iyo Musaanidda, Kutubta Tafaasiirta Quraanka kariimka,Kutubta Taariikhda Islaamka iyo Kutubta la midka ah ee Diinteena Islaamka.
Maraajicdaan aan soo xusnay waxay ku badan yihiin Juska 2aad iyo juska 3aad, ee kitaabka. Laakiin Juskaan 1aad, wuxuu u badan yahay kitaabada taariikhda Wahaabiyada.
Waxaan ku dadaalnay in dhammaan maraajicdaan kusoo wada baxaan jus kasta oo ka mid ah saddexda jus ee kitaabkaan.
Maadaama YOOLKA saddexda Jus ee Kitaabkaani yahay ka digistaBIDCADA (Xag Diineed iyo xag Taariikheedba), waxaan ugu magac daray“Caddaynta Xaqa iyo Nasiixada Xaq-doonka”.
Dhammaan qaybaha qoraalkani xanbaarsan yahay waxaan sal uga dhigay xaqiiqooyin uu ku qanco qof kasta oo Xaqdoon ah, isla markaana ka badbaaday tacasub ka af-duuba in uu ka faa-iidaysto xaqiiqooyin badbaado u ah Adduunkiisa iyo Aakharadiisa.
Rabbi (SW) waxaan ka baryayaa in uu camalkeena Ikhlaas ka dhigo, Qoraalkanna ku anfaco qof kasta oo aqrista.
Waa socotaa -------
|
|
|
|
|