Ahlu sunna waa in ay si rasmi ah uga mid noqdaan Dawladda haddii kale waa jabhad. { 21 Nov 2009}
waxaa la daabacay Sat 21 Nov 2009 03: 07: 35
Sidaas waxaa yiri Shariif sheikh Axmad oo ka hadlay shir uu aad ugu weeraray culammaau-diinka ahlu-sunna wal-jamaca.

Hadalkan ayaa aad uga careysiiyey culammaa’udiinka ahlu sunah   oo ah culammada rasmiga ah ee ummadda soomaaliyeed sida xaqa ah diinka ugu metela , isla markaana ah culammadii soo jireenka ahayd  ee qarniyada faraha badan kala dhaxlayey faafinta , difaaca , iyo xifdinta diinta Islaamka .


Shariif  wuxuu noqday qofkii ugu necbaa ahlu sunna wal jamaaca ee masuuliyad sheegta. Waxaad mooddaa inay soo rumoobayo wararkii sheegayey in shariif uu is hor taago wax kasta oo uu u arko inay horummar u yihiin Ahlu sunna wal-jamaaca , wararkaas oo inta badan laga helayey  ilaha ugu dhow dhow shariif sheikh axamd  iyo saaxiibbadiisii maxkamadaha ee kula jira dawladdiisa!.


Culammada ahlu sunna ayaa iyagu ah ahlu diin caan ku ah inaan aanay ka hor imaan Qaran soomaaliyeed , balse waxay indhaha ku ahyaan in shariifka ay raadintii qarannimadu ka indha tirtay hamuunta uu u qabo hir gelinta wahaabiyada oo ku qasbaysa inuu la dagaallamo ahlu sunna wal-jamaaca oo la ogyahay in ay dagaal adag kula jirto khawarijta Al-shabaab iyo xisbu shaydaan.


 Ahlu sunna Media


Ismaaciil axmad sheikh UK


jiilani@yahoo.com


 






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved