Fadliga weyn ee ku suga tobonka ugu horreya maalmaha bisha Xajka ( dul Xaj ) { 21 Nov 2009}
waxaa la daabacay Sat 21 Nov 2009 02: 57: 20

Imaamu axmad raximahullaah , waxaa uu ka wariyay saxaabigii jalaailka ahaa ee Cabdillaahi ibnu cumar RCM , in Rasuulka CSWS uu yiri : “ majiraan maalmo camalka wanaagsan looga jacayl badanyahay ama ay uga wayn yihiin Alle agtiisa tobanka maalmood ee oogu horeya dulxijah  {bisha xajka} ee badiya Laa ilaaha illallaah , Allahu akbar , wal -xamdu lilaah”


Imaam Bukhaari Raximahullaah waxaa uu ka wariyay cabdulaahi ibnu cabaas RCM in  Rasuulka CSWS uu yiri : “ majiraan maalmo looga jacayl badanyahay alle agtiisa camalka wanaagsan tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha dil- xijah”.


Xadiis saxiix ah oo Imaam muslim uu ka weriyey Abuu qataadah RC. Waxaa Rasuulka CSWS la weydiiyey soomka maalinta carrafada , markaas ayuu Nabigu ku jawaabay – soomka carrafada – “ waxaa lagu dhaafaa – dunuubta – sanadkii tegey iyo sandka soo socda”. Imaamyaalka Islaamku waxay caddeeyeen in dunuubtaas la dhaafayo ay tahay danbiyada yaryar ee loo yaqaan saqaa’irta ee xaqa ilaahay ah.


Tobanka ugu horreysa bishan barakaysan ee dul xajah waxaa ku sugan fadli weyn waa maalmaha lagu mashqulsanahay gudashada Xajka waxaa ku sugan maalinta aan la gaarin ee CARAFA sidaas darteed ayuu Rabbi ku dhaartay tobonkaas maalmood ee fadliga badan sida ku sugan aayadda labaad ee suuratul-Fajri


Gabagabadii dadka muslimiinta ahi wa inay ka faa’iidaystaan fursadaan barakada badan oo sanawiga ah. Waa in inta awooddaa gudata xajka soona cumraystaan . waa in ay soomaan , ayna badiyaan dikriga Ilaahay , aqrinta Quraanka kariinka , Salliga Rasuulka CSWS , sadaqada bixiyaan oo ay quu diyaan dadka Gaajaysan .


Samaysta khayrkaas faraha badan eek or ku xusan waxaa lagu helayaa jannada Rabbi subxaanah , waxaana laga badbaadayaa cadaabkiisa , haddii camalku ikhlas yahay oo loola jeedo Alla dartii sidaas waxaa caddeeyey  nusuusta diinta islaamka ee quraanka kariimka iyo axaadiista rasuulka SCWS


Ilahay ha naga dhigo kuwa la cafiyo lana lana barakeeyo maalmahan karaamaysan dhexdooda.


 Lajnada wacyi gelinta ahlu-sunna wal-jamaacah


saadaats@hotmail.com


ahlusunna.org


 






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved