Shariif sheikh axmad oo uu soo food saaray jaahwareerkii ugu xumaa ee siyaasadeed { 21 Nov 2009}
waxaa la daabacay Sat 21 Nov 2009 00: 49: 36

·       Lama hayo cid ku qanacsan hoggaaminta Shariifka .


·        Waxaa hal amr wada dhawaqay eed culusna u soo jeediyey , Ahlu-sunna wal-jamaacah , Somaliland , Buntland , xubnaha Baarlamaanka dawlada ee Baay iyo Bakool , Xildhibaanno  ka soo jeeda beela kala duwan, kuwa isku magacaabay odayaasha beelaha Hawiye oo markii hore aad u tageeri jirey iyo Ra’iisul wasaaraha dawladdiisa oo eeda kulul u soo jeediyey.


·       Kooxihii ay isku caqiiddada ahaayeen uuna amiirka u noqday oo kula jira dagaal joogta ah , iyagoo og in xilka madaxweynanimada uu ku soo qaatay madaxooda , uuna ballan qaday inuu cirib tirayo taasoo ay ku hungoobeen kooxihii soo dhoodhoobtay.


Arrimahan iyo kuwa la midka ah waxay u muuqdaan in uu so oaf jarmay waqtigii shariif sheikh axmad oo ah nin is gedgedin badan oo lagu xasuusto burburkii ugu xumaa tan iyo markii uu noqday guddoomiyihii midowga maxaakimta .


Intaas waxaa u dheer shariif-ka tabar darri aan horey u soo marin kooxihii uga horreeyey madaxweynanimada fashalka, wayo wuxuu maamulka shariif ku koobanyahay madaxtooyada ilaa garonka diyaaradaha oo  laftirkooda ay waardiyeeyaan taangiyada Amisom , mararka qaarna ay ka dhacaan dagaallo faraha looga gubto oo dhex mara iyaga iyo kooxaha ka soo hor jeeda .


Marka aad la shaqaysiiso maskaxda isla markaana dhegaysato wax garadka indha indheeya siyaasadda iyo arrimaha soomaaliya waxaad ogaanaysaa in haddiiba ay jirto arrinta keliya ee shariif sheikh axmad uu raja yar ku sii yeelan karto ay tahay in uu is casilo si loo helo fursad kale oo lagu baadi goobo qaran soomaaliyeed.


Ismaaciil Axmad sheikh Uk


jiilani@yahoo.com


ahlusunna.org


 






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved