Kala baro in aad tahay Ahlusunnah wal-jamaacah iyo inaad tahay Bidci { 17 Nov 2009}
waxaa la daabacay Tue 17 Nov 2009 19: 39: 38
Qaybtii 2-aad

sidaas awgeed , qof kasta oo ka hadlaya, wax ka qoraya ama sheeganaya ahlu-sunnah wal-jamaaca , waxaa laga rabaa inuu caddeeyo Imaamyaalka ah Ahlu-sunna ee qarni kasta, uuna ka billaabo Qarnigii koowaad ee uu ku sugnaa Rasuulka CSWS ilaa waqtigan aan joogno , markaaas waxaa caddaanaya cidda ahlu-sunnada ah, ee ku sifowdey xadiiska saxiixa ah ee Rasuulka CSWS uu yiri :

ولن تزال هذه الأمة قائمة على أمر الله لا يضرهم من خالفهم حتى يأتى أمر الله رواه البخاري ومسلم وأبو داود والترمذي

Xadiiskan oo ay weriyeen Imaam Bukaari , Imaam muslim , Imaamu Abuu daawud, iyo Imaam Tirmidi wuxuu macnihiisu yahay “ ummaddaydu waxay weligood ahaanayaan kuwa ku taagan Ilaahay diinkiisa, cidii khilaaftana waxba kama dhibayso ilaa qiyaamadu timaado.

si dhamays tiran ayaa loo arkay ballan qaadkii Rasuulka csw , waayo waxay Ahlu-sunna wal-jamaaca noqdeen:
1. Jamaacada keliya ee aan marna ku baabi’in weerarka iyo shirqoollada kaga yimaada gaalada , munaafaqiinta , bidcada iyo guud ahaan cadawga Diinta Islaamka, guushuna ku danbeyso gacantooda .
Firqooyinka kale ee bidcada ah ma aha sida ahlu-sunna oo kale , mar wey soo baxaan , marna wey baaba’aan, tusaale waxaa noogu filan bidcooyinkii hore , sida bidcadii Muctasilada , bidcadii Qadariyada , bidcadii khawaarijta, bidcadii faadimiyiinta , sanaadiqadii baadiniyada , bidcadii Jahmiya iwm. weliba bidcooyinkan waxaa ka mid ahaa kuwa aad u xoogaystay oo qabsaday waddama iyo magaalooyin waawayn, kuwaas ay ka mid ahaayeen faadumiyiinta , baadiniyada , iyokuwii la midka ahaa ee dhibaatooyinka waaweyn u geysan jiray Ahlu-sunnada.

2. waa Jamaacada keliya ee waqti kasta ugu badan muslimiinta, Qarni kastana ay ka soo baxaan Imaamyaalka ugu waawayn ugana faraha badan caalimiinta Diinta Islaamka.

Haddaba si aan uga faa’iidaysanno caddaymahaas , waxaan qoraalkan ku soo gudbinaynaa imaamyaalkii Qarni kasta ugu waawaynaa caalimiinta diinta Islaamka , waxaanna ka billaabaynaa qarnigii ugu fadliga badnaa ee uu dhexdiisa joogay Rasuulkeenna muxammad CSWs.
خير القرون قرني ثم الذين يلونهم ثم الذين يلونهم


Qarnigii 1-aad
Saxaabadii Rasuulka & Taabiciinta
والسابقون الأولون من المهاجرين والأنصار والذين اتبعوهم بإحسان رضي الله عنهم ورضوا عنه . الآية التوبة 100
Qarnigii 1-aad ee hijrigu waa sabanka ugu fadliga badan Qarniyada , waa Qarnigii Ilaahay soo bixiyey Rasuulka CSW , Qarnigii Asaxaabtu ka waraabtay cilmigii waxyiga ee kitaab-ka Ilaahay iyo Sunnada Nabiga CSW .
Asaxaabta xanbaartay cilmiga barakaysan ee waxyiga waxaa ugu waawaynaa khulafaa’u Raashidiinta oo kala ah Abuubakar Al-Sadiiq , Cumar Ibnul-Khidaab , Cusmaan Ibnu Cafaan iyo Cali Ibnu Abii Daalib , dhammaantood Allaha ka raalli noqdee.
Khululufaa’u-Raashidiintu waa imaamyaalka ugu cilmiga iyo ٍfadliga badan khulufadii uu Rasuulku amray in laga qaato sunnadooda.
عليكم بسنتى وسنة الخلفاء الراشدين المهديين عضوا عليها بالنواجد .

ِِSaxaabadii kale ee Cilmiga ka qaatay Rasuulka csw waxaa ka mid ahaa , caalimiin ay ka mid yihiin Caa’isha (hooyadii muuminiinta) , Dalxa ibnu cubaydillaah, Subayr Ibnul-Cawaam, Cabdu-Raxmaan Ibnu Cawf, sacad Ibnu abii Waqaas , saciid bnu Sayd , Cubaydata Ibnul-Jarraax , Ubaya Ibnu Kacab, Sayd ibnu Saabit ,Ubaya ibnu kacab , Mucaad ibnu Jabal, Abuu muusal Ashcari, Abuu Hureyra , Abuu Dardaa, Abuu Saciidul-Khudri , Aanas ibnu Maalik iyo saxaabtii la midka ahaa.
Ugu danbayntii wuxuu cilmigii Asaxaabtu isugu soo aruuray caalimiintii asaxaabta ee kala ahaa Cabdullaahi Ibnu Cabbaas , Cabdullaahi Ibnu Mascuud , Cabdullaahi Ibnu Cumar RC.

Taabiciinta
رضي الله عنهم ورضوا عنه والذين اتبعوهم بإحسان

Haddaba haddii saxaabada cabaadalada ee kor ku xusan ay urursadeen Cilmigii laga weriyey Rasuulka CSW , waxaa iyagana cilmigii ka xambaaray imaamyaalkii ugu waawaynaa Taabiciinta , sida : Saciid Ibnu musayb, Curwata Ibnu Subayr , Qaasim ibnu muxammad, cadaa ibnu Rabaax, Siciid Ibnu Jubayr , mujaahid , Masruuq , Khaarijah, Abul-caaliyah , xasanul-Basri , Bakar ibnu C/Rraxmaan , Calqamah , Sulaymaan Ibnu Yasaar , Aswad Ibnu Yaziid , C/llaahi Ibnu Cutbah , Masruuq Ibnul Ajdac , Xaarisata Ibnu Zayd , Aswad Ibnu Yaziid , Abul-caaliyah , xasanul-Basri , Ibraahiim Al-Nakhaci , muxammad Ibnu Siiriin , Naafic , Ibraahim Al-Nakhaci , Aswad ibnu Yasiid Al-Nakhaci, Al-Sayid Saynul- Caabidiin, Cubaydillaah , Saalim ibnu Cubaydillaah, Cikramah, Khaarita Ibnu Sayd, Makxuul, Suhri , Camar Ibnu Diinaar, Cumar Ibnu Cabdil-Casiis iyo Taabiciin kale oo aad u fara badan.

Cilmigii Taabiciinta ee laga bartay Asaxaabta Rasuulka CSWS wuxuu isugu soo biya shubtay taabiciinta ay kamidka yihiin
Al-Sayid Abuu Muxammadul-Baaqir, Xasanul-Basri , Cumar ibnu diinaar , Suhri , Ayuubu Sakhtiyaani , C/llaahi Ibnu Diinaar , Ibnu Siiriin, Ibraahiim Al-Nakhaci, Hishaam Ibnu Curwah, Rabiicatu Ra’y Naafic iyo imamyalkii la midka ahaa .


Qarnigii 2-aad
Taabicu – taabiciinta & Imaamyaalkii Madaahibta


خير أمتى القرن الذين يلونى ثم الذين يلونهم ثم الذين يلونهم رواه البخاري ومسلم

cilmigii Taabiciinta ee laga dhaxlay Saxaabada Rasuulka CSWS , waxaa xambaaray imaamyaalkii ugu waawaynaa Taabicu –taabiciinta ee ay ka mid ahaayeen Imaamyaalka madaahibta.
Xilligan Taabicu Taabiciinta waxaa billaabmay qoristii Culuumta diinta Islaamka. Waqtigan waxaa qoritaanka cilmiga safka hore kaga jirey Imaamyaalkii madaahibta oo ay ka mid yihiin imam Abuu xaniifah iyo Imaam maalik.
Imaamyaalkii ugu waawaynaa taabicu taabiciinta waxaa ka mid ahaa : Asayid Jacfaru Saadiq , Xabiibul-Cajami , Imaam abuu xaniifah, Imaam maalik, Imaam Ibnu Jureyj , Imaam Sufyaanu Sawri , Imaamul- Awsaaci , Imaam Lays Ibnu Sacdi .
Waxaa la xiriiray Imaam sufyaan Ibnu Cuyeynah , Imaam Ibraahim Ibnu Ad’ham , Imaam Fudayl Ibnu Cayaad , Imaam Wakiic , Imaam Macruuf Al-Karkhi , Imaam C/llaahi Ibnu Mubaarak, Imaam Shaafici , Imaam yaxyaa Ibnu Qadaan , Imaam Ibnu Mahdi iyo Imaam-yaal-kii la mid ka ahaa.

Imaamyaalka madaahibta ee qarniga labaad waxaa lagu khatimay Imaam shaafici oo geeriyooday 204-tii hijriya.

Imaamyaalka Qarnigii labaad xoojiyey Madaahibta Xanafiya iyo Maalikiya

Xanafiya

Imaamyaalkii gacanta weyn ka gaytay xoogaysiga mad’habta barakaysan ee xanafiyada waxaa ka mid ahaa : Imaam Sufar, Imaam Daa’uudu Daa’i, Imaam ibnu siyaad Al-lu’lu’i, Imaam Usdi Ibnul-Furaat, Imaam Abuu Yuusuf , Imaam Muxamad Inul-Xasan Al-Shaybaani labadan imaam ayaana ah imaamyaalka door ugu weyn ku leh mad’habka.

Maalikiyah

Imaamyaalkii mad’habka maalikiyada u istaagay waxaa ka mid ah Imaam Ibnu Wahbin, Imaam abul-Xasan al-Tuunuzi , Imaam Imaam Ibnu Cabdil-Xikikam iyo imaamyaal kale.
Qarnigan labaad waxaa kale oo ku sugnaa Imaamyaalkii suufiayda oo ay ka mid yihiin abuu Sulaymaan Al-Daaraani , Imaam Fudayl Ibnu Cayaaad, Imaam Du-nuu Al-Misri , iyo Imaamyaal kale

waa socotaa ------
ahlusunna.org





MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved