Layaab malahan bur bur ku yimaada, qaab dhismeed Urur samaysanaa.Taasoo ah wax ka dhaca dunida aan guudkeeda kunoolnahay.
Ururka xisbil- shaydaan,oo Taariikh ahaan soomaray buru bur kanoo kala ah, lana soobaxay Magacyo badan,kuwaasoo markasta laguraadinayay badbaado.Bal aan dib u milicsano taariikhda abtiris ee ururkaansiduu kubilowday iyo habka uu isu bad badalay.
Ururkan wuxuu ku bilowday Akhwaanul -Muslimiin,Al itixaad,AI-tixaad laajamaaca,Salafiya.Al –ictisaam,Maxaakiimta islaamiga ,Raas kaambooni,Caanoole,Jugta culus,Camalka islaamiga, Dib u xoraynta Casamara Xisbul shaydaan iyo Al -shabaab oo ah wasiirtii ama Owlaadii ay dhaleen intaas aan soosheegnay.
Intaan oo Magac waxay ahayeen xil iyo xoolo doon ee maahayn astaan Diineed oo dhab ah.
Magacaan hadda ay wataan,oo ah kaarkii ugudambeeyay, ayaa waxaa soowajahay maalmahan dhibaato qabiil, taas oo ah qaabkii ay awal udhisnaayeen.
Mar dhow ayay ahayd markii hogaamiyihii ururka shiikh iimaan si karaama daraa looga xayuubiyey xilka ay walibana kujiraty dhoolatus qabiil.
Intaa kadib wuxuu la daalaa dhacayay Dabaylo Siyaasadeed iyo kuwa Qabiil oo xoogan.Balse waxay siixoogaysteen, Dagaalkii ugudambeeyay oo ay Al -shabaab kulagaleen Magaalada Kismaayo.
Xisbul-shaydaan oo u dhisnaa qaab Qabiil ayaa hadana u kala jajabay qaab Qabiil.
Waxaa laga quustay dhamaan dadaaladii larabay in lagu badbaadiyo Ururka iyo waliba goosiga Ciidamadiisa.Taasoo hogaamiyaha Ururku uu kutilmaamay masiibo Siyaasadeed oo soowajahday Ururkiisa,mar uu lahadlayay dad masuuliyiin ah.
Iskusooduube Xisbul – shaydaan oo noqdaay Tusbax go’ay ayaan la ogayan ilaa iyo hadda halka ay masuuliyiintiisu kudambayndoonaan iyo sida uu noqondoono masiirkooda siyaasadeedba.
Xaaji salaax
ahlu sunna.org