|
Bismillaah, Alxamdulillaah, Wasallaahu Calaa Siyidinaa Muxammad.
Ugu horrayntii, waxaan halkaan tacsi uga gudbinayaa dhammaan bahda Ahlu sunna Wal jamaacah dilkii naxdinta iyo murugada lahaa ee loo gaystay culumada ay ka midka ahaayeen: Sheekh Ali Afyare, Sheel Ceelbuur, Sh. Xuseen Khaliif, iyo kuwa kale oo badan. Illaahay waxaan oga baryayaa in uu ka raali noqdo, rahmadiisana ku galeeyo, anakana samir, iimaan iyo badal wanaagsan naga siiyo …AAMIIN!..
Marka xigta, waxaan rabaa inaan wax yar ka xasuusiyo walaalahayga Somaaliyeed, taariikhda madow ee laga dhaxlay ururada cusub ee Khawaarijta. Waxaa jira, waxyaalo aad iyo aad ugu liita shareecada Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida, oo ay noo keeneen ururada khawaarijta kuwaas oo gabi ahaanba khatar galinaya jiritaanka umadda Somaaliyeed. Waxay la dirirayaan wax kasta oo wanaag ah oo dantoodu aysan ku jirin iyaga oo u adeegsada magaca diinta. Waxay adeegsanayaan da’yartii iyo mustaqbalkii umadda ee barito. Iyagoo si ay u xirtaan ilmaha maskaxdooda, ku waaniya in aysan maqlin waalidiintooda, kuna tilmaamay juhalo aan u qalmin in la dhagaysto. Waxay tusaale ooga dhigaan dhalinyaradii asxaabta ee aabayaalkood dagaalka oga horyimid ayagoo kala ah gaalo iyo Islaam, oo qaarkoodba aabahood ku dileen dagaal. Ujeedaduna waxay tahay in hadii loo baahdo wiil iyo aabihii la isku dilo. Waxaysan ilaa iyo hada dadku fahmin waa kuma ninka jooga booskii kufaaru quraysh, ee xaqqiisii waalidnimo ee ku xigay kan ilaahay loogu badalay in lala jihaado. Wxaa la yiri, “Wan wayn indhihiisu cirka ma arkaan illaa la gawraco.”
Waxyaalaha cajiibka ah, cawaaqib xumana ku reebi kara shacabka Somaliyeed waxaa ka mid ah is qarxinta, dadka wajiyada duubtay ee gaysta dilalka qorshaysan iyo dagaal aan dhammaad lahayn. Waxaa jiray qodobo u dagsanaa gumeysigii ree yurub oo ahaa, in wadamada ay gumaystaan ay kala diriraan inay midoobaan, aqoon ama ilbaxnimo helaan si looga waayo bulshadaas wax fakari kara. Khawaarijta ayaa waxay soo nooleeyeen dhaqankii gumaystaha. Waxayna ugaarsadaan aqoon yahanka, caalimka, ganacsadaha, wariyaha, caaqilka, dhakhaatiirta, hay’adaha sama falka iyo cid kasta oo dadka wanaag u hor seedi karta. Waxaan lasoo koobi karin magacyada dadka ay laayeen ee noocaas ah. Waxaana u danbeeyay sheekh Cali Afyare, alaha u naxariistee oo ay ku dileen magaalada Gaalkacyo iyo macallinka dugsiga ee madaxa inta laga soo jaray la horkeenay shacabka reer Jamaame. Ujeedadooduna waxay tahay, waa in la waayo qof Somali ah oo fakari kara, ama qaladkooda tilmaami kara. Cadawgooda ugu wayn ayaa ah dadka ahlu cilmiga ah, maadaama ay dhufays ka dhigteen magaca diinta, aysanna lahayn aqoon diineed oo ay oga hortagaan ruug caddaaga daraasaynayya funuunta kala duwan ee culuumta Islaamka. Waxa kaliya oo ay ka yaqaanaan diinta dhawr aayadood oo jihaadka ku soo dagay oo ugu duuban cajal uu u akhrinayo nin carab ah oo asagu ku raaxaysanaya waddamada khaliijka oo markasta oy dadkooda laayaan baraawo ku haya. Waddamadaas waxaa ka jira dulmiga ugu badan shucuubta islaamka lagu hayo.
Waxaa nasiib darra ah in gaaladii iyo dadkii shisheeyaha ahaa ay ku hadlayaan magaca umadda Somaliyeed, halka xisbiyaalka magacyada badan ee khawaarijta Somaaliyeed bar tilmaameed ka dhigteen baraha shacabka iyo goobaha ganacsiga. Waa calool xumo, waa nassiib darro inuusan wiilkaagii iyo walaalkaa midna kaa naxayn haduu kuwaas galo, ciddii kaa naxdana la dhibaataynayo. Waxaad ogsoontihiin nimanka sheegta inay dadka difaacayaan ee ka dagaalama koofurta Somalia ay barakaca iyo dhibaatada shacabka Somaaliyeed ee goboladaas qaybta u wayn ka gaysteen. Waxay imaanayaan xaafad deggan oo nabad ah. Waxay ka dhex tuurayaan bomb. Dabdeedna waxaa loogu jawaabayaa madfac. Guryihii iyo dukaamadii oo sidooda u ballaqan ayaa laga carari. Dadkii qaxay ee qoraxda iyo qabowga yaallay, gaajo iyo daryeel xumana u dheertahay ayaa waxaa u imaan qof ilaahay u soo qasbay, oo masaakiintaas raba inuu siiyo wax ay dhaxanta ka galaan ama baryo quutaan. Waa wax laga naxee, kii sheeganayay inuu dadka difaacayo ayaa dilaya qofkii dadkiisa caawinayay amaba afduubaya. Asagaa bara kiciyay oo banaanka dhigay, hadana diiday in cid kale badbadiso, barina dhahaya abaalbaan dadka u galay.bal dadow is qabadsiiya arintaas. Somaalidu waxay dhahaan ‘nin aad xabiibkiisa tahay oo xabaashaada qodaya’ waa tanoo kale. Laakiin qadiyadooda ayaaba ah, in dadku baahdo, rafaado dabadeena ay gacantooda galaan saasna manhajkooda ku galaan. Waa tii maah maahdu ahyd “qayla yeertaaba nin baysan oga darin.”
Dadka Somaaliyeed oo ay lasoo gudboonaatay marxalad aad iyo aad u qalafsan tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe ee Somalia, ayay hada soo foodsaartay tii ugu xumayd. Markii ay timaado arin adag oo tan oo kale ah waxaa dadka badbaadinjiray geesiyaal ilaahayna aaminsay aqoona u leh diinta oo aan dulmi iyo xaqdarro wax ku dilayn kuna xukumayn. Waxaan dhammaan xasuusannaa geesiyaalkii, Ahmed Al-imaam (Axmed Gurey), sheekh Yuusuf al-kowneyn, (aw-barkhadle), Sayyid Mohamed, sheikh Uweys, sheikh Xasan Barsame, sheikh Zaylaci, sheikh Sakhaawudiin, sheekh Biyamaalow, sheekh Nuur Xusseen iyo culima kaloo badan oo dhamaantood ahaa Ahlu sunna Wal-jamaacah, halgankii ay u soo galeen dalkeena iyo diinteena. Waxaa kaloo xasuusin mudan in taariikhda islaamka ragii futuuxaatka waawayn ee ilaa hada guushooda aanu ku jiifno furtayna dhamaan inta hada islaamku dago ay ahaayeen Ahlusunna Wal-jamaacah. Halka Khawaarijtu ay sabab u ahayd burburinta khalaafadii islaamka ee u dambeysay iyagoo garabsanaya reer galbeedka oo qarniyo badan ku fashilmayey la wareegidda dhulka islaam. Khawaarijtu inay dal islaam dab ka shidaan ma ahee waligood islaamka guul uma soo hooynin. Ilaahay mahadi, waxaa wali buuxa gayiga Somaaliyeed haddana isxilqaamay ragii noocaas ahaa (Ahlu sunna Wal-jamaacah) dadkii ku abtirsada kuna mowqif ah, mar labaadna diyaar u ah inay diinta iyo dadka Soomaaliyeed u istaagaan. Waa jaanis aan lawada haysan waa nasri nin nassiib luhu helaa, caalim caqiidadiisu saxantahay oo diyaar u ah inuu qoriga u qaato ilaalinnta diinta islaamka iyo dadkiisa. Talow ma ka faaiidaysan doonaan dadkayagu!
Si kastaba ha ahaatee, waxaa dadka Somaaliyeed hor yaal laba arrimood oo kala ah, inay taageeraan culimadooda garabna istaagaan hiil iyo hooba, iyo inay ka seexdaan oo al-shabaab iyo kuwa kale ee magacyada badan ee la fikirka ah ay ka dhigaan dadka mid ay dilaan iyo mid ay dulaystaan. Somaaliyana markaas noqoto galgalin dagaal iyo dhufays Al-qaacido, oo ah meesha dhamaantood laga xukumo.
Adan Mohamed Guled
|