Xafladdii Mowlidka Nabiga CSW ee Minneapolis, USA{ 27 Mar 2009}
waxaa
la daabacay Fri 27 Mar 2009
03: 38: 14
Xaflad weyn oo si heer sare ah loo soo maamuusay ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis, MN ee Carriga Mareykanka. Xafladdaan ayaa sii gaara ah u lahayd tixgelinteeda waayo waxay looga yimid waddama badan iyo golada mareykanka intooda badan
Ixtifaalka Mowlidka Nabiga CSW ee Minneapolis ayaa lagu qabtay Xarunta weyn ee shirarka ee magaalada (Minn. Convention Center ). Hoolka uu ka dhacayay shirku ayaa waxaa soo buux dhaafiyey muslimiinta Soomaaliyeed oo ay farxad iyo reyn reyn aad ah ka muuqatay wajiyadooda.
Shacabka Soomaaliyeed oo ah Ahlusunna Waljamaaca ayaa si gaar ah u muujinayey dareenkooda ku aaddan kooxaha isku dhafka ah ee khawaarijta ee Culumada Soomaaliyeed ku weeraraya sababaha weyneynta Xabiibka Ilaahay NNKH iyo caqiidadooda toosan awgeed.
Culumada Soomaaliyeed ayaa Xafladda ka soo jeediyey Mawaaciid aad uga qiireysiiyey ka soo qeybgalayaashii. Waxaa sidoo kale si dhextaal ah u socday qasiidooyin nabi ammaan ah iyo dikriba.
Mashaa'ikhda halkaa ka wacdisay waxaa ka mid ahaa:
Sh. Yusuf Cabdi Maxamed "Korahaye"
Sh. C/Wali Sh. Maxamed Guuleed
Shariif Maxamuud Shariif
Sh. Axmednur Sh. Yusuf
Sh. Maxamed C/llaahi Casir
iyo culuma kale oo badan.