Tahniyadda Ciidda Mowliidka ... Shariif Axmed { 18 Mar 2009}
waxaa la daabacay Wed 18 Mar 2009 04: 02: 26
Asalaamu caleykum waraxmatulaah, Munaasibadda weyn ee bisha mowlid (Rabiicul-awal) ee dhalashada awowgeena iyo nabigeena Sayidinaa Muxamad Bin Cabdulaahi Bin Cabdilmudhalib nabadgelyo iyo naxariis korkiisa Eebbe ha yeelee waxaan tahniyad u dirayaa guud ahaanba muslimiinta adduunka, gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed ee wada muslimiinta ah, weligoodna xusi jireen, weyneyna jireen kuna farxi jireen dhalashada bishatan iyada ah.

Waxaan si gaar ahaaneed weliba u tahniyadeynayaa dhammaan culumadeena waaweyn ee ahlu sunnah wal jameeca meel walba adduunyada kaga joogaan, intii xijaabatay ee Eebbaheena subxaanahu watacaalaa oofsadayna waxaan u weydiinayaa naxariis, nabadgelyo iyo janatul firdowsa.

Waxaan kalo munaasibadan u tahniyadeynayaa madaxda websaatyada sida tooska ugu socoto farintani oo aan aad iyo aad idinku mahadcelinayaa sida wacan oo hagar la'aanta ah uga qeyb qaadataan baahinta diinta Islaamka ee saxiixa ah iyo weliba sida aad usoo uruurisaan una keydisaan macluumaadka la xiriira diinteena muqadaska ah.


Waxaan aad iyo aad ugu murugeysanahay ugana xumahay dagaalada qaawan ee gardarada ah ee lagu haayo culumadeena iyo walaalaheyga Soomaaliyeed ee ahlu sunnah wal jameeca ee jooga gudaha dalka qaarkoodana lagu dilay, dad badana lagu dhibaateeyey ayna fuliyaan falalkaas foosha xun kuwa magaca Islaamka ku adeegta ee shayaadiinul insiga ah, lana magac baxay(Alshabaab), magaca ku haboon in loogu yeerana uu yahay (Sharwadayaal).

Dhammaan dadkii ku dhibaatoobay gacantaasi gardaradda ah waxaan Eebbe subxaanahu watacaalaa ugu baryayaa inuu caafiyo, kheeyr badana ugu beddelo, siiyana gargaar iyo guulo deg deg ah.

Waxaan shaki igu jirin inshaa alaah inay guusha ku dambeyn doonto walaalaheyga baariga ah ee ahlu sunnah wal jameeca oo aan ayagu weligoodba aan looga baranin dagaal iyo gardarro, taninna ay tahay mid ay iska difaacayaan khawaarijta
duleysan ee ka soo dilaacday dalkeena Soomnaaliya.

Waxaan Rabiga SW ka baryayaa inuu na tusiyo waqti aan fogeyn jabka iyo baaba\'a iyo ciribtirka kooxdan munaafiqiinta iyo gacan ku dhiiglayaasha ah ee khawaarijta , kana yeelo kuwo taariikhda ka galo baal madow , leysna weydiiyo meel ay ku dambeeyeen inshaa allah. (Aamiin yaa Allah).


Walaalkiin/ Sharif Axmed

Den Haag - Holland.





MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved