Abaabulka Xafladda Wayn ee Mowliidka oo si Xowli ah uga Socota Gobollada Mudug iyo Puntland{ 01 Mar 2009}
waxaa
la daabacay Sun 01 Mar 2009
11: 57: 38
Xafiiska dacwada Islaamka & Arimaha Diinta ee magalada Gaalkayo ayaa si xawli ah u guda galay howsha diyaarinta xafladaha mowliidka nabiga CSW. Shirkaan oo ahaa shir wayn oo si aad u heer saraysa loo soo agaasimay ayaa culimadii ka soo qayb gashay waxaa ka mid ahaa mashaa,ikh caan ka ah Puntland iyo guud ahaan Somalia.
Qodobadii shirkaan looga hadlayay waxaa ka mid ahaa
* kor u qaadida Xafladda iyo sidii si wayn looga dhigi lahaa dhamaan Puntland iyo Mudug .
* sidii dhaqaalaha Xafladda lagu qabanayo bulshada islaamka looga soo aruurin lahaa si dib loogu celiyo lahaa dadwaynahay tabaalaysan .
* iyo sidii dhaqaalhaas loo kala gaarsiin lahaa xeryaha qaxootiga iyo dhamaan meelaha looga baahan yahay .
* in kor loo qaado abaabul wayn loo galo sidii dhamaan dugsiyada, iskoolada, macaahidda iyo ururuada bulshada loogu dhiirigalinlahaa inay ka soo qayb galaan banaanbaxayada laysugu soo baxayo ee lagu waynaynayo rasuulkeena sharafta badan SWC.
* ugu danbayn in in Barnaamijyada Ahlusunna Wal-jaamaca si wayn oo Faahfaahsan loogu sharxo bulshada si ay ugu digtoonaadaan dhamaan waxii dumanaya shareeca islaamka .