Dh/Mareeb oo Lagu Qabtay Banaanbaxa Soo Dhoweynta Bisha Mowliid { 28 Feb 2009}
waxaa la daabacay Sat 28 Feb 2009 00: 07: 56
Waxaa manatay kadhacay magaalada Dh./ Mareeb oo caasimada G/Galgaduud muxaadaro si weeyn loosoo abaabulay. Waxaa si weyn uga soo qeeyb galay kulanka muxaadarada dhammaan qeeybaha kala duwan ee shacabka ku nool Degmada Dh/Mareeb sida : Culimada diinta, samadoonada, dhalinyarada, haweenka, iyo ardayda iskuulada oo kujiray fasaxii iskuulada ee todobaadlaha ahaa maadaama eey maantay eheed maalin jumca ah. Waxaa goobta muxaadarada goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah maamulka kumeel-gaarka ah ee Bartamaha Somaliya ee Ahlusunna waljamaaca.

Waxaa goobtii muxaadarada ka jeediyay wacdi aad u qiira badan culimo aqoon weeyn u leh shariicada islaamka sida Sh. Bile Bashiir oo uga hadlay si qoto dheer maxabada ama jaceylka nabigeena Muxammad (SWC) iyo sidoo kale in la gaaray bishii uu dhashay Nabigeena Muxammad (swc) isla markaana eey muhiim tahay in si abaabulan looga faaiideeysto xuska iyo is xasuusinta siirada Nabigeena (swc) in aad ka jeclaato nabigeena Muxammad (swc) caruurtaada, xaaskaada, waalidkaa xitaa nafsadaada waa `waajib qofkii sidaas lagawaayana wuxuu weeydoonaa shafeecada nabigeena Muxammad (wsc) sidaana waxaa yiri Sheikh Bile Bashiir oo soo qaatay daliilo ku sugan Axaadiithta Nabigeena (swc) sheikh Bile ayaa sidoo kale booriyay dadweynihii kasoo qeeybgalay muxaadarada in eey waajib ku tahay waalidiinta in eey caruurtooda baraan abtirsiga, halka uu kudhashay, halka lagasoosaaray, halka uu uhijrooday, iyo goobtii uu kuxijaabtay nabigeena Muxammad (SWC) isagoo umadiisa kuwareejiyay risaaladii ilaah usoo dhiibay .



sidoo kale waxaa kahadlay xafladii muxaadarada Sheikh Xasan Muxammad Kheyre oo si xeel dheer uga hadlay in eey xaaraam tahay in shaqsi muslim ah la xanto gaar ahaan dadka u taagan wax u qabashada diinta, dalka, iyo dadka sida culimada islaamka. Sheikha oo jeediyay wacdi aad u dheer ayaa kusoo afjaray in eey jiraan shaqsiyaad eey dhibeeyso waxqabadka culimada kuwaasoo uu ku tilmaamay haraagii khawaarijta Alshabaab. "In aad cilimada jaa’ifeeydaan ama aad xamataan dadka ku howlan amaankiina ma ahan mid macno keeneeysa waayo waxaad lasocotaan in saaxiibadiina Alshabaab lagasaaray inta badan G/Galgaduud iyagoo caga cad waayo, waxeey ahaayeen dad cadow ku ah dalka, dadka Somaliyeed iyo Diinta Islaaamka" ayuu yiri sheikh Xasan. Sheikha ayaa intaa raaciyay hadii aad qaadaan tilaabo qalad ah waxaad kudanbayn doontaan ciqaab udhiganta danbigiina taana , sidoo kale sheikha ayaa u jeediyay dadka isbaarooleeyda ah wuxuuna ku yiri inta aadnaan falin ka fiirsada, isagoo ugu danbeyntii ku yiri guud ahaan burcada "tilaabo kasta oo qalad ah oo ada qaadaan waxaad kahelidoontaan badalkeeda shariicada oslaanka."

Gaba-gabadii, waxaa xafladaa ka jeediyay hadal gaaban Muxammad Cartan Shuurire taliyaha booliska Degmada Dh/reeb. Wuxuu taliyuhu ammaan balaaran u soo jeediyay guud ahaan shacabka G/Galgaduud gaar ahaan shacabka degmada Dh./Mareeb isagoo ku ammaanay shacabka degmada wada shaqeynta ka dhexeeysa dadweynaha gobolka/degmada iyo ciidanka amaanka. Taliye sare Muxammad Cartan ayaa intaa ku daray waxaan idiin balan qaadeeynaa Garsoor ku saleeysan diinteena qaaliga ah mana dhicidoonto in uu shaqsi shaqsi kale ku xadgudbo naf iyo maalba isla markaana uu yahay sharciga mid aan cidna dulmidoonin inshaa Allah.


Waxaa xafladii muxaadatara ka duceeyay sheikh Axmad Ibraahim Jibriil oo ka mid ah mudarisiinta G/Galgaduud. Wuxuu Allah uga baryay umada Somaliyeed inuu siiyo roob wanaagsan.

Jawiga G/galgaduud iyo gobolada dariska la ah ayaa ah mid aad u kulul waxaana lagaaray qiliroobaarkii guga waxaana ilaha mahadiis ah inuu roobkii ka curtay meelo kamid ah bartamaha somaliya .

...................................................................................................


Sh. Xasan Muxamad Khayre


Sh. Bile Bashiir


Sarkaal ilaala ka haya muxaadarada


Sh. Muxamed Cartan Shuuriye






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved