Dagaallo ka soo cusboonaaday Degaannada Dhoobleey iyo abaabullada colaadaha oo cirka isku shareeray. { 29 Jul 2010}
waxaa la daabacay Thu 29 Jul 2010 16: 51: 20

 


Dagaalla qaraar ayaa duleedka magaalada Dhoobleey ku dhex maray khawaarijta shabaabka iyo malayshiyada Axmad madoobe oo beryahanba u diyaar garoobayey sidii ay dib ugu soocelin lahaayeen colaadohoodii soo jireenka ahaa.


Axmad Madoobe oo dadka qaar sheegayaan in uu taageera ka helay degaanka iyo wadaadka imaamka Masajidka sigiska ee xaafadda Islii ee Magaalasa Nayroobi Maxamad Cabdi UMal ayaa wararku tibaaxayaan in uu isagu soo qaaday weerarka.

Dagaalka oo ahaa mid aan wax laysula harin, laysuna adeegsanayey hubka noocyadiisa kala duwan ayaa daryaanka madaafiicda laga maqlayey magaalada dhoobleey oo xabbaddu aad ugu soo dhowaaatay.


Kooxda Axmad madoobe ayaa wacad ku martay in aan khawaarijta Al-Shabaabku aysan nabad ku ledin, ayna dagaal ku ekeynayaan deegaannada ay shabaabku gobolka ka joogaan.

Dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa wixii ka soo cosboonaada dagaallada ka sooo cusboonaaday gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya.


Ahlusunna.org

 






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved