Khawaarijta Xisbiga uu hoggaamiyo dilaa sare Xasan cawees ee deegaanka Tooratoorow ee gobolka shabeelada hoose ayaa Maanta dhagax ku dilay nin ay ku eedeeyeen in uu sineystay.
Odaygan duqa ah ayaa lagu dilay dhagax aad u fara badan, waxayna goobta xoog ku keeneen dadweynihii deegaanka oolagu amray in ay xoog ku fiirsadaan dilka ay fulinayaan.
Falkaan ka dib waxaa laahay masiiba ku riday qaar ka mid ah kuwii dilka amray iyo weriyaashii faafinayey rajminta iyo dhagax ku dilka loo gaystey ninkan aan la garanayn cidda ku caddaysay dilka loo gaysteen ayna dileen khawaarijta kunka mar ka danbiga badan.
Musiibada ku dhacday wariyasha ayaa waxaa sababay shil gaari oo ku soo gaaray degaanka tooratooroow ee dhagax ku dilku dhacay agagaarkiisa , waxayna wariyaasha meesha ku dhaawacmay ahaayeen saddex weriye oo ugu danbayntii dhaawacooda la gaayey isbitaalka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo ka mid ah deegaannada ay khawaarijta dadka ku dhibaan.
Ahlusunna.org