Qoraallo bogga Ahlusunna.org ka soo gaaray ardada Jaamacadaha kor ku xusan ayaa ayaa sheegay in ay Ardadu aad ugu farxeen mirihii ka soo baxay shirkii Ahlu sunna wal jamaca ee dhowaanta lagu soo gaba gabeeyey magaalada Stokhlom ee caasimadda Dalka Sweden.
Ardada Jaamacadahaas ayaa sheegay in shirka ay kala socdeen war baahinnad siiba saxaafadaha Ahlu sunna Wal Jamaaca, ayna soo gaareen mawaadiicdii laga duubay Mu’tamarka oo ahaa kuwa ay aad uga faa’iidaysteen.
Ardada oo hadda ku jira waqtigii fasaxa ee jaamacadda ayaa Culammadii iyo aqoonyahamiintii shirka hagayey iyo kuwii ka hadlayba ka codsaday in ay ku soo booqdaan jaamacadaha ay dhigtaan, waxayna ballan qaadeen in ay ka faa’idaysan doonaan si weynna ugu soo dhoweyn doonaan fadhiyadooda.
Ahlusunna.org