Gabaygii mooryaan garreey oo noqday gabayga loogu dhegeysiga badanyahay sanadkan iyo aqristayaasha bogga Ahlusunna.org oo codsaday in Abwaanka gabaygu uu soo gudbiyo magaciisa iyo canaawiintiisa. { 24 Jul 2010}
waxaa la daabacay Sat 24 Jul 2010 18: 55: 36
Marka hore allaha maaligaa,mahad dhamaanteed leh
Marka xiga Rasuulkiisa mudan Maxamed weeyaane
Markalana milkiiloow,alloow mahadi waa taada
Markaan intaa meel dhigee,sunaha aan meershoo
aan mariyo Mooryaan Gareey gabay macneeynaaya.
Waa gabay mug iyo mira leh iyo weliba miisaane
Waa gabay la soo miiray oo aan lahayn mirire
Waa gabay macnaha laga dhex helo erayga Mooryaane
Mooryaan gareeyey ma jiro moowqif kuu qorane
Mana lihid mitaal toosan iyo marin la raacaaye
Laba maada oo kala fogbaa kuu mantaanahee
Midi waa inaad Maxaakiim tahiyo magaca diimeede
Midna waa inaad malagtihiyo qoon masiibaahe---
Mid waa inaad mashaa'iiq tahiye duulmacruufalahe
Midna waa inaad mahadhiyo murug abuurtaane
Mida waa inaad maqaal nabadiyo ,aayad marisaane
Midna meel madoow inaad gashood debin maleegtaaye.----
Mid waa inaad masiibada dhacdiyo,xumaha meertaanea
midna waa mugdiga inaad gudood,goowrac marisaaye
mid waa inaad maslaxo raadisaa oo mudeec tahaye
midna macangag meeshoow qabsado lagaga maagaaye
Mid waa inaad islaamnimada muuqeeda leedahaye
Midna waa inaad muruqdantoo maris sidataaye
Mid waa inaad midnimo qaran wadiyo maamul qeybsamaye
Midna waa qabiilnimo mutaxanoo,marqaatilahee
Adigaa munaafaqa,hadana Sheekh Muxaafidaye
Adigaa ka maran diinta oo meeriska aqoone
Adigaan Meteli karin Kitaab Maalig soo diraye
Adigaa mad haba kale watoo,soo min guursadaye
oo loox ka meersada,ibliis mara habaawshaaye
Adaa magaca diinteena kuu yahay maqaarsaare
Adigaa madiidina hadana jooga maqanaahe
oo Igar maqaar loo sidayo,sidig war moogaahee
Waxa muuqda mooyee,adaan meel ka dheer arage----
Adigaa madaafiic la dhaca goob Muxaadarayo
Adigaa Masaajiid ugu dhaca muminiin galaye
Adigaa magoowsado xinjiro,maalin Ramadaane.
Martiid,adaa murtid iyo moowdka baartaahe
Maskiin aan manfaca heysan oo gaajo macaluulay
Miishaar adaa qaatay oo midigta gooyaaye.
Muslinimada kaa muuqataa,way madoowdahaye
Adigaa macruuf ku ah,waxaan uunka soo marine
Adigaa Muraadkaaga yahay maalin taajiride
Adaa magacya badanoo,shabeel qaata midibkiise.
Adaan maamul iyo doonaheyn,xaq iyo miisaane
Maaweelo adigaa ku nool,maalin iyo leeyle.
Midi kuu afeeysan adigeey midigta kuu taale
Mufti sheekha adigaa diliyo,kii muwaadinahe
Muslimnimada kaa muuqataa waa madoowdahaye
Adigaa ismuuqdooriyoo,qaata maasgarahe
adigaa ismiidamiyoo miina aasaahee
Adigaa khabuuraha mirtoo,meeydka iibsadaye.
Muslimka iyo gaaladaba adeey maara kaa heline
Maskax murugsan adigaa watiyo,xoog maroorsiiye
oo meher laabiyo tuug kuu yihiin madaxe

 


 


 






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved