C/qaadir muumin oo kamid ah kuwa ugu caansan Sheekhyada Wahaabiyada uguna da'da weyn ayaa si sarbeeb iyo u duur xulid ah u gaalaysiiyey Shiikha Wahaabiyada ee Cumar Faaruq.
Khaarijiga C/qaadir Muumin wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in qaar ka tirsan waxa uu ugu yeeray culumaa’udiinka soomaaliyeed ay xiligan la joogo marin habaabin diineed ku hayaan shacabka soomaaliyeed; uuna rumaysan wayey fatwadii kasoo baxday Sh. Cumar faaruuq, iyadoo waqtigii dowladii C/laahi yuusufna uu soo saaray fatwo uu ku diidayo in Ciidamo shisheeye dalka la keeno.
“ Markii la ii sheegay in sh Cumar Faaruq uu xalaaleeyey in dalka ciidamo shisheeye la keeno waan rumaysan waayey ilaa aan website-yada galo oo aan arko codkiisa,waan ku cel celiyay oo waan rumaysan waayay,welibana waxaan ogaa oo aan sheekha ka dhagaystay fatwo uu soo saaray Xilligii ay Ethopianku yimaadeen dalka oo uu yiri " Gaal iyo ninkii soo raaco isku mid weeye”.
wuxuuna C/qaadir Muumin mas’alo khatar leh - ee dhinaca diin la'aanta ah - uu ku tilmaamay in wax laga sheego oo la duro dadka mujaahidiinta ah; oo uu uga jeedo Khawaarijta Al-shabaab oo ah koox ay xaaraam tahay in mujaahidiin lagu sheego. C-Qadir muumin oo hadalkiisi sii wata ayaa yiri :
Waxyaabihii aan la yaabay ee sh. cumar faaruq yiri waxaa kamid ahaa "Caruurtu hadii ay heshiin waydo ikhyaarta inay dhex dhexaadiso waa u banaantahay",hadalkaas markii aan miisaankiisa fiiriyay waxaan u arkay inuu yahay hadal khatar ah , oo maxaa yeelay Caruurta iyo dadka liita wuxuu ku tilmaamayaa dadka Ahlu xaqqa iyo Mujaahidiinta ah, Gaaladana wuxuu ku sheegay akhyaar ay fara gelinteedu dhex dhexaad tahay .
Sidoo kale khawaarijka C/qaadir muumin wuxuu soo dhaweeyay qaraxyadii ay sheegteen shabaabku ee dhawaan kadhacay magaalada Kambala ee Xarunta dalka Ugandha,wuxuuna si aad ah udhaliilay dadka soomaalida ah ee qaraxyadaas Cambaareeyay.
Waxaan arkaynaa gaaladii oo dhan oo qaylinaysa,Todobaatameeyo la dilay bay ka qaylinayaan, -- qaraxyadii kambala waxay ahaayeen Caddaalad hadii.
Wadaadkan wahaabiaydu mar kasta oo uu sheego xukun diinta looga baxayo oo uu ku eedeynayo Sheekhooda Cumar faaruq wuxuu dhahayey ogaada sheekha gaalaysiin maayo laakiin---.
Arrimaha shabaabka iyo sheekhyada wahaabiayda ee la yaabka ah waxaa ka mid ah hadallo ka fudud kuwa uu cumar faaruq ku hadlay ayey dadka ku gaalaysiiyaan, mana la garanayo sababta ay ga aleysiinta uga dhigeen mid doqooda ah oo markii ay doonaan jeebka kala soo baxaan, markay donaanna jeebka ku ceshadaan.
sida ku cad diinta Islaamka, lagama yaabo in Soomaaliya ka baxdo bur burka iyo halaagga ay ku suganyihiin haddii aanay Alle u tawbad keenin kana harin Khawaarijta Wahaabiyada ah ee isu kala qaybisay Al-Shabaab, Xisbul-Islaan, dawlad ku sheegga shariif, kuwa hay'adda Culammada iyo musaalaxada sheegtay, kuwa TV-yada ka tuugsada, kuwa been u iftooda caammada , cajalado badanna u duuba. sidee u bad baadadayaan Dad wadaaddo iyo culama ka dhigtay:
wadaaddo ku sheeg dadka gaalaysiiya, ka dibna iyagu is gaalaysiiya.
Niman xalaalaysta dhiigga muslimiinta, kadibna dhexdooda iskula laabta.
wadaaddo uu imaam iyo sheekhba u yahay Muxammad Cabdil-wahaab oo ah nin laayey 100,000 boqol kun oo muslimiin ah, xabaalahana ka soo qufay imaamyaal ay ka mid yihiin Asaxaabtii Rasuulka CSWS ee ku aasnaa dhulka Carabta oo uu ku jiro Xaramaynka barakaysan ee Maka iyo Madiina.
ma aha markii ugu horreysey ee sheekhyada wahaabiyadu soo saareen ifte looga been sheegayo diinta Islaamka ;
1992-dii wadaaddada Wahaabiayda oo uu ka mid yahay Cumar Faaruuq waxay soo saareen ifte ay ku xalaaleeyeen dhiigga muslimiinta waxayna xukumeen in lagu jihaado soomaalidii degganayd Gobollada Woqooyi Bari ee Soomaaliya, Nuugaal iyo qaybo mudug ka mid ah.
1997-dii waxay iftoodeen in lagu jihaado oo dhiiggooda la xalaalaysto soomaalidii degganayd Gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.
2006-dii waxay khawaafrijtii Maxaakimta ee Shabaabku hormuudka u ahaa u iftoodeen una xalaaleeyeen daadinta dhiigga dadkii soomaaliyeed ee ka fekerka duwanaa.
2007-dii waxay iftooden in dawladii C/llaahi Yuusuf ay tahay gaalo lagu jihaadayo, shisheeyaha ay keensadeenna ay yihiin gaalo gaalo kale keensatay.
2008-dii, 2009-kii iyo 20010-kii waxay iftoodeen in dawladda Sarifku ay Islaami tahay, ayna waajib tahay in la adeeco, waxayna wadaaddada Wahaabiyada oo ay ugu waawaynyihiin shariif Cabdi Nuur iyo Cumar Faaruq iska indha tireen joogitaanka ciidammadii shisheeye ee ay markii hore gaalnimada ku sheegeen joogitaankooda iyo adegsigooda.
20010 ee bisha aan hadda joogno wuxuu Cumar Faaruq iftooday in ay xaq tahay in dalka la keeno ciidammo shisheeye oo ay itoobiya ku jirto, waana tan ay hadda isku haystaan khawaarijtu.
Ma aha Wahaabiyada Soomaalida oo keliya, meel kastoo ay jogaan Wahaabiyada ayey caado iyo diinba u tahay in ay iftoodaan bidcinimo ay uga been sheegayaan diinta Islaamka, ayna xalaaleeyaan xaaraamta, xalaashana xarrimaan.
Waa xaaraam kumana bannaana Diinta Islaamka in diinta loo aammino wadaadada Wahaabiayda ee dhaqankoodu sidaas yahay.
Waa xaaraam in cod iyo dhaqale lagu taageero , mana bannaana in la dhegeysto cajalohooda iyo ifohooda diin beddelidda ah.
Mucallim Cbdi Xaaji Yuusuf warhele@hotmail.com.
AhluSunna.org