Maamulka Ahlu sunna Wal-jamaaca ee Deg Caabud waaq oo go’aan sax ah qaatay iyo Idaacado si khaldan uga jawaabay Amarrada maamulka. { 17 Jul 2010}
waxaa la daabacay Sat 17 Jul 2010 19: 49: 20

Laba idaacadood oo ka howlgali jirey Degmada cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegayaa in ay maanta joojiyeen shaqadii cod baahinta  ee ay wadeen iyo barnaamijyadii ka bixi jirey, ka dib markii ay maamulka culamaa’udiinka Ahlu Sunna wal-jamaaca fareen in ay joojiyaan erayo wax u dhimaya Islaamka iyo nabad gelyada degaankaba.

 


Agaasimaha Raadiyo Caabud waaq ayaa afkiisa ka qirtay in idaacaddu ay baahisey barnaamijyo ay leeyihiin qaar ka mid ah wadaadada wahaabiyada ee taagaarada iyo maalgelintaba u sameeya khawaarijta ka dagaallanta gudaha Sooaaliya.

 


Waxaa kale oo ay saxaafadaha guduhu baahiyeen in agaasimayaasha idaacadaha iskood shaqada u joojiyey lagu eedeeyey in ay ammaan iyo buun buunin u jeediyeen khawaarijta Alshabaab.

 


Arrinta sida aadka ah dadka uga yaabisey ayaa ahayd in idaacadaha markii loo soo jeediyey in ay joojiyaan xad gudubyada ay qaateen go’aan khaldan oo ah in ay sameeyaan shaqa joojin buuxda.

 


Nin ka mid ah aqoonyahamiinta Ahlu sunna wal-jamaca ayaa yiri : ma aha in maamulka Ahlu sunna wal-jamaaca ay oggolaadaan xad gudub ilaa heerkaas ah, mana aha in goobaha ay ahlu sunna ka taliso laga buun buuniyo kooxaha Shabaabka ee sida xoogga ah looga saaray gobolka, mana aha in la khasaariyo dhiiggii Mujaahidiinta.

 


Dib yaan idinkaga soo sheegi doonnaa wixii warar ka soo kordha idaacadaha ka hawl gala caabud waaq ee go’aanka khaldan qaatay iyo waxa ay ka yeelaan maamulka ahlu sunna wal-jamaaca oo ah mid looga bartay dulqaad aad u badan oo mar marka qaar lagu sheego mid laga bad badiyey.

 


Cismaan baashi maxamed xiis gaalkacyo hiis112@hotmail.com

 


Ahlusunna.org

 






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved