Deg Balcad: Khawaarijta Al-shabaab oo Carruur aan qaan gaarin Gacmihii ka jaray. { 17 Jul 2010}
waxaa la daabacay Sat 17 Jul 2010 18: 59: 23

Khawaarijta Al-shabaab ee Magaalada Balcad ayaa xukun Baadhil ah oo gacmo jar ah ku fuliyey Carruur aad u da’yar oo xittaa aan Qaan gaarin.
 
Carruurtaan oo ahaa labo wiil oo da’yaraa ayaa waxay ku soo eedeeyeen in ay lacago xadeen, oo midkood iyaga laftooda uu lacag ka xadey sida ay sheegteen.
 
Labadaan carruurta oo midkood jirey 14, kan kalana jirey 13 ayaa waxaa la soo taagey meel fagaare ah oo misana loo yeerey si khasab ah dadkii deegaana Balcad sidii ay u daawadaan sida Ciyaalka gacanta looga jarayo.
 
Waxaa sidoo kale meeshaas lagu casuumey si khasab ah waaridiintii carruurtaas dhashay.
 
Arrintaan ayaa waxaa ad uga caroodey dhammaan shacabka Maskiinta ahaa ee ku noolaa deegaanka Balcad, waxaana la arkayey dadkii yimid halkaas oo ooyaya, waxaa kaloo la arkayey qaar habaaraya Khawaarijta Al-shabaab. 
 


Xigasho  Mustaqiim.com E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com.


Ahlu Sunna Media






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved