Sanadkii 1284-tii Hijriyada ayaa oday dhaqameed la oron jiray Muuse Xuseen oo Biyo-maal ahaa wuxuu fariin qoraal ah u diray Boqor Carbeed oo la oron jiray Saciid Bin Maajid, kana mid ahaa salaadiintii eer Aala Barqash wuxuuna warqaddaasi ugu dhiibay nin la oron jiray Cusmaan Laamow oo reer Baa Muqtaar ahaa (Reer Xeebeed).
Warqadda uu odaygaasi u diray Boqor Saciid ayuu kaga dalbaday in uu soo diro ciidamo xoog leh oo ilaaliya magaalada Merka iyo deegaanada hoos yimaada.
Suldaan Saciid Bin Maajid wuxuu soo diray ciidamadii uu ka dalbaday Muuse Xuseen, wuxuuna Suldaan Saciid ahaa ninkii Saldanaddii cumaaniyiinta u wareejiyey Jasiiradda Sansibaar.
Xilligaas waxaa magaalada Muqdisho ku wareegsanaa darbi ka xiga dhinacyada oo dhan marka laga reebo dhanka Koonfureed, waxayna lahayd magaaladu dhowr irdood oo laga soo galo oo irid kastaahi ay magac lahayd.
Waxay magaaladu kala lahayd Xuduuddo u kala cayiman qabaa?iladii u soo safri jiray, iyadoo qabiil kasta uu lahaa irid uu ka soo galo iyo meel uusan dhaafi Karin.
Marka qabaa?iladu ay ka imaanayaan baadiyaha ee ay soo galayaan magaalada Muqdisho waxay hubkooda dhigi jireen bannaanka iridda ay ka soo galayaan, waxayna gudaha u soo gudbi jireen iyagoo sacabooleey ah, kaasoo ahaa qaanuun uu ku soo rogay magaalada Muqdisho xaakimkii Barqash.
Albaabada goobaha Ganacsiga ee xilligaa Muqdisho ku yiilay waxay ka sameysnaayeen shub adag, lagamana sameyn jirin bir ama Al-waax, taasoo xukuumaddii Barqash ay ku macneysay in ay si weyn uga murgayaan Ammaanka hantida dadweynaha iyo deganaanta dalka.
Waxaa magaalada Muqdisho dadku lacag ahaan u isticmaali jireen waqtigii xukuumaddii Barqash lacag la oron jiray Beeso, waxaana lagu sarrifi jiray Riyaalki ay isticmaali jireen Faransiiska.
Xilligii xukuumaddii Barqash waxaa Muqdisho Suuq Xoolo u ahaa deegaanada Shangaani iyo Xamarweyne, waxaana Suuqaas lagu kala iibsan jiray Ariga, Lo?da iyo Geella, wuxuuna balaciisa ku fadhiyey deegaanada Shangaani iyo Xamarweyne, isagoo soo gaaray xilligii xukuumaddii hore ee Talyaaniga.
Sanadkii 1289-kii ayey ciidamadii Xukuumaddii Barqash ka dhiseen Qalcad weyn agagaarka mgaalada Merka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasoo weli laga dareemayo muuqaalkeeda.
Dr:Rashiid Shiikh Maxamed (Danjire)