|
Caddaynta Xaqa iyo Nasiixda Xaq doonka Buug uu Qoray Sh. C/Rasaaq Yuusuf aadan (shirqoolladii Yurub iyo Taariikhda Cusmaaniyad)
{ 07 Jul 2010} |
|
waxaa
la daabacay Wed 07 Jul 2010
10: 19: 38
|
Qaabkaas ayey goosteen inay kusoo af-jaraan dowlaadii Khalaafada Islaamka ee mudada ka badan afarta boqol sano ahayd cadawga ugu wayn kirishtaanka.
Haddaba, markii ay go’aansadeen in Cusmaaniyadda gudaheeda laga dumiyo, waxaa loo gudbay in la helo farsamadii la adeegsan lahaa ee dadka hoos yimaada Cusmaaniyada lagu kicin lahaa.
Arrintaan waxaa lagu sameeyey daraasad dheer, waxaana kasoo baxay in dhulka yurub ee Cusmaaniyada hoos yimaada iyo kuwa islaamka ah ee ay hoggaamiso loo kala adeegsado labo mashruuc oo kala duwan maadaama ay ku kala geddisnaayeen dabeecadda iyo taariikhda. Mu’aamaraddii Balkaan Waxa taariikhyahanada reer Yurub ku tilmaamaan shaqaaqadii Balkaanka, kuwa Islaamkuna ku magacaabaan Mu’aamaraddii Balkaanka ayaa loo adeegsadey in lagu kiciyo dhulalkii Yurub ku yiilay ee Turkiga hoos imaanayey, si ay u gadoodaan oo uga horyimaadaan Cusmaaniyada.
Qoshahaan gadoodyada, dilka qarsoon ee shaqsiyaadka muhiimka ah, dagaalada iyo shaqaaqooyinkii kale ee la midka ahaa waxay socdeen muddo dheer, ugu dambaystiina Yurub waa ku guulaysatey in Turkiga laga saaro Yurub. Fulinta Mu’aamaradda Balkaanka haddaan wax yar oo dul mar ah ku samayno waxaan arkaynaa jallaafada ku dhacday Dowladdii islaamka inay ahayd mid dibedda laga soo abaabuley, gudahana laga fuliyey. Matalan; 1. Dalka Giriirga oo yurub ka tirsan haatan ayaa lagu kiciyey inuu ka horyimaado Turkiga 1820. 2. Maxamed Cali-gii reer Masar ayaa isna lagu dhiirri geliyey inuu ka goosto Turkiga. 3. Cali Baashihii reer Jiniin ee dalka haatan loo yaqaan Albaaniya oo yurub ka tirsan ayaa isna lagu kiciyey Cusmaaniyadii. 4. Dalka Seerbiya oo haatan loo yaqaan Yogaslaafiya ayaa isna la kiciyey si uu uga horyimaado Turkiga. Gadoodyadaas dalka Yogaslaafiya waxay socdeen 1804 ilaa 1815, oo marba heer soo marayey, waxaana hoggaaminayey Kara Joyoorj iyo Miloos Milos Obrenofiteeh. 5. Roomaaniya oo hadda ka tirsan yurub ayaa iyana gadood laga abuurey 1821. 6. Dhul beereedkii Danubiyaan ee Yurub ayaa isna la gadoodiyey 1829. 7. Boosniya iyo Herzo-gafiina oo iyana raacday gadood ka dib dowladaha Awsteriya & Hangari. 8. Dalka bessa-araabiya, Kaaris, batuum, Ardahaan oo iyaguna gadood ka dib lagu daray Raashiya 1814. 9. Monteneegaro oo Yurub ka tirsan haatan oo iyana xarootay 1856. 10. Bulgeeriya waxay iyana shaqaaqada ka bilaabatey 1854. 11. Qubrus oo ku wareegtey Ingiriiska ayaa xigay. 12. Eperaas & Karate oo iyana ka go-ay Turkiga. Mu’aamaradahaas xaqiijintooda Yurub waxay isugu gaysay awoodeedii fakar, dhaqaale iyo ciidanba muddo ka badan lixdan sano, gaar ahaan dawladihii Ruushka, Ingiriiska iyo Faransiiska. Matalan; Boqorkii reer Faransa Nabooliyoon wuxuu u arkayey faa’iido wayn gadoodyadaan taxanaha ahaa ee ka dhanka ahaa turkiga ee ka socday dowladahii ku dhaqnaa arlada Balkaanka la isku yiraahdo iyo guud ahaan deegaanada kale ee yurub. Raashiya iyadu waxay aad uga shaqeysay sidii Turkiga Roomaaniya uga bixi lahaayeen. Waxay arrintaas u xil saareen Amiirkii Raashiya Jeneraal Aleksaander.
Sidaas ayey dowladii Kirishtada ahaa ku dhexgaleen gobolladdii iyo maamulladii yurub ku yiilay ee hoos imaanayey dowladdii islaamka ee Cusmaaniyada. Ahlu sunnna media
|
|
|
|
|