Hadafka iyo Ciwaanka Shirka ahlu-sunna wal-jamaaca ( Doorka hoggaaminta iyo taariikhda Ahlu sunna min soo bixitaankii Rasuulka CSW ilaa iyo maanta ) { 06 Jul 2010}
waxaa la daabacay Tue 06 Jul 2010 07: 53: 57
Mutamarka ama shirka 5aad ee ahlu sunna Wal-jamaaca ee qaaradda Yurub e eka dhacay magaalada Stokhlom ee waddanka ingiriiska wuxuu billawday 15/07/1431  – wuxuuna soo xirmay maanta oo taariikhdu tahay 18/07/ 1431 hijriyah

Ciwaanka ama magaca mu’tamarka waa : Hoggaaminta iyo doorka Culammada Ahlu Sunna Wal-jamaaca.
Hadafka Mu'tamarka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca :  


Hadafka shirka Ahlu sunna wal-jamaaca ayaa ah mid ka turjumaya magaca Shirka iyo kaalinta ay hor iyo dib culammada ahlu sunna wal -jamaaca ku leeyihiin hoggaaminta iyo u khidmeynta Ummadda waxaana macluumaadka uu hadafka iyo magacu huwanyahay ka mid ah:

 


1.      In la caddeeyo taariikhda diineed ee culammada Ahlu sunna wal-jamaaca si loo ogaado in ay yihiin culammadii kunka sano ka badan soo kala dhaxlay baridda iyo faaafinta diinta Islamka.

 


2.       In la ogaado in ay yihiin culammadii diinta dadka iyo dalka soomaaliyeed ka difaacday gumaystayaashii ku soo duulay.

 


3.      In ay yihiin culammada ku guulaysatay in dadka soomaaliyeed ay 100% muslim noqdaan.

 


4.       In la caddeeyo in culammada ahlu sunna wal-jamaaca ay yihiin culammada keliya  ee sida saxda ah u matala diinta Islaamka.

 


5.      In la cadeeyo in bidcooyinka gadaal ka yimi aanay taariikh iyo amaal diineed ku lahayn shacabka soomaaliyeed, loona soo adeegsaday la dagaallanka taariikhda diineed ee soo jireenka ah.

 



 


Doorka Culammada soomaaliyeed iyo Taariikhda soomaaliya iyo diinta Islaamka.

 


Walaalayaal, Sida ay ka war qabaan inta aqoonta u leh taariikhda geyigan, dalka Soomaaliya waa waddan diinta Islaamka ku leh taariikh & xadaarad fac weyn.
 

 


Waa wadankii ugu horreeyey ee diinta Islaamku soo gaartay (615M) 5 (shan) sano oo keliya markii laga joogay soo bixitaankii Rasuulka (CSWS), waqtigaas oo ku beegnaa 8 sano ka hor hijradii Rasuulka (CSWS) ee Madiina; waxaana safarradaas barakaysan ka qayb qaatay saxaaba fara badan oo ay ka mid yihiin Gabdhihii Rasuulka CSW iyo haweenkii Rasuulka CSW .
 
Hijrooyinkii karaamada badnaa ee diintu ku soo gaartay dalkeena waxaa kala hogaaminayey Sayid Cusmaan Ibnu Cafaan & Jacfar Ibnu Abii daalib (RCM) waxaana safarradan hijrooyinka ka midahaa.
 
Rabbi (SWT) ayey mahadi u sugnaataye ilaa xilligaas marna wax hakad ihi ma gelin faafitaanka diinta Islaamka, ilaa ay soo baxeen culama Soomaaliyeed oo door weyn ka qaadatay barashada & fidinta diinta Islaamka oo gaaray heer iyaga looga soo xareysto caalamka Islaamka.
 
Waxey qoreen culumadaas Soomaalidu kutub caan ah oo leh fanni kasta oo culuumta Islaamka ah, waxayna culammadaasi isugu jiraeen:-
 
Qurraa’, Mufasiriin, Xufaad, Fuqa’ha, Mu’arikhiin, Luqwiyiin & qeybo kale, waxaana ka xusi karnaa:-
 
· Al-imaam Fakhrudiin Al-Saylaci oo ahaa sheekhii Xaafidu Seylaci oo allifay kitaabka weyn ee la yiraa Tabyiinul-xaqaa’iq oo ah sharaxa kitaabka weyn ee Kansu-daqaa’iq.
 
· Al-Xaafidu Seylaci oo qoray Kitaabo badan oo loo cuskado diinta Islaamka, sida Nasbu-rayah fi takhriiji axaadiis il- hidaayah.
 
· Imaamu Shamsu-diin Al-Maqdashi oo ka mid ahaa culumadii ugu caansaneyd qarnigii 8-aad ee Hijriyada.
 
· Imaam Max’uud Ibnu Cali Ibnu Abiikar Al-maqdashi oo ahaa Iimaam reer Muqdisho ah; waxaana xufaadii uu sheekh u ahaa ka mid ahaa: Al-Xaafidu Dahabi & amiirkii mu’miniinta ee Axaadista ee Al-Xaafid Ibnu Xajar Al-Casqalaani oo ahaa Imaamkii allifay sharaxa ugu weyn Saxiixul-Bukhaariga ee Fatxul- Baari. 
 Imaam-yaalka waaweyn ee Islaamka ee ka sii faa’ideysatey mashaa’ikhdan Soomaaliyeed iyo kuwa ka qaatay cilmiga waxaa kale oo ka mid ahaa:- 
 · Al-Xaafidul Ciraaqi, shaykhul-islaam. 
 · Al-Xaafidul Ceyni. 
 · Al-Xaafidul Busayri. 
 · Al-Xaafidul Casqalaani, shaykhul-islaam. 
 · Al- Xaafidul Haythami. 
 · Al-Xaafidu-Sakhaawi, 
 · Xaafidu- Siyuudi, Sheykhul Islaam 
 · Al-Xaafid Sakariyal-ansaari, shaykhul-islaam. 
 · Al-xaafidul-Jasari, shaykhul-slaam. 
 · Al-Xaafidul-qasdalaani, shaarixu S/Bukhaari 
 · Imaam Ibnu Xajar Al-Haytami, 
 · Imaamu Ramali, Saaxibu nihaaya, 
 · Imaam Khadiibu- Sharbini, iyo 
 · Imaamyo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin.


 


Kutubaha wax ka qoray xaqiiqooyinkan kor ku xusan

 


Kutubta waaweyn ee caanka ah ee midba qaybtiisa ka qoraya imaamyaalka Sooomaalida ah iyo culammada ka qaadatay waxaa ka mid ah.

 


Imaamyaalkii, Mufasiriintii Qur’aanka Kariimka, Xufaadii Axaadiista Rasuulka (CSW), Fuqahadii, Luqawiyiintii, Taariikh- yahannadii, Raxaaliintii (bad-mareennadii iyo dhul-mareennadii) iyo Caalimiintii wax ka qortay culammada Soomaaliya iyo taariikhdeeda soo jireenka ah aanna ka soo xigannay waxaa ka mid ahaa:

 


1-           Imaam Fayruuz Abaadi oo ku qoray kitaabkiisa Qaamuusul-Muxiid

 


2-           Xaafid Al-Zubeydi oo ku qoray kitaabka uu ku sharxay Qaamuusul-Muxiidka ee Taajul Curuus

 


3-           Imaam Yaaquut Al-Xamawi oo ku qoray kitaabkiisa Mucjamul Buldaan.

 


4-           Imaam Al-Maqriisi kitaabkiisa Al-Imaam Biman Fii Ardil Xabasha

 


5-           Imaam Abul Cabbaas Al-Qal-Qashandi kitaabkiisa Subxul Acshaa

 


6-           Ibnu Baduuda kitaabkiisa Tuxfatul Nadaar fii Garaa’ibil Amsaar

 


7-           Al-Imaam Shahaabuddiin Axmed Ibnu Cabdilqaadir oo loo yaqaan (Carab Faqiih) kitaabkiisa Futuuxul-Xabasha.

 


8-           Imaam Muxamad Al-Dayib Ibnu Cabdullaahi kitaabkiisa Qalaadatu-Naxri fii- Wafiiyaati Acyaani-Dahri.

 


9-           Xaaji Khaliifa  kitaabkiisa Kashfu-dunuun.

 


10         Cumar Ridaa Kuxaalah Kitaabkiisa Mucjamul-Mu’alifiin

 


11         Xaafidu Suyuudi kitaabkiisa Xusnul- muxaadarah iyo al-lubaab

 


12         Ibnu –Kamaal baashaa kitaabkiisa Dabaqaatul-xanafiyah

 


13         Xaafidul-cayni kitaabkiisa Al-sayful- Muhannad

 


14         Sh. Abu-Cabdulaahi Al-dabbakhi Kitaabka Muhadabka Rixlatu Ibnu Baduudah

 


15         Sh.  Axmed Zayn Al-xabashi kitaabkiisa Sharxul-cayniyah

 


16         Al-Qaadii C/raxmaan Ibnu Muxamad Ibnu Xuseen Al-calawii kitaabkiisa Shamsu-Dahiirah

 


17         Al-sayid Imaam Muxammad Ibnu Abuubakar A-shaliyi baa Calawi kitaabkiisa Al-mashruucu- rawii fii manaaqibi – saadaatil-kiraami-aala-baa calawii.

 


18         Iyo Xaafidul-Casqalaanii Kitaabkiisa Al-durarul-kaaminah fii acyaanil miati-saaminah.

 


19         Al-imaam shamsu-shumuus Muxyaddiin Cabdulqaadir ibnu Sheekh Cabdillaahi Al-caydaruusi. kitaabkiisa Annuuru-saafir .

 



 



 

Kaalinta culummada dariiqooyinka ahlu sunna Waljmaaca ay ka qaateen difaaca diinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

 


Culammada Soomaaliya waxaa aqoontaas culus iyo faafinta diinta Islaamka u dheeraa kaalintii shariifka ahayd ee ay kaga jireen difaaca diinta, dadka iyo dalka oo ay hogaaminayeen mashaa’ikhda Suufiyada ee Ahlu-Sunna wal-Jamaaca . sida:-

 


Sh. Cumar Walasmac.608-hijriyah

 


Sh. Sacdu’diin  Ibnu Axmad

 


Sheekh  Sabru-diin

 


Sh. Mansuur

 


Sheekh Jamaalu-Diin

 


Sheekh muxammad Abuu Cabdalla

 


 SHARRIIF SAALIX

 


AMIIR CUSMAAN

 


AMIIR MAXFUUD

 


GARAAD ABUUNe.

 


IMAAM AXMAD GUREEY

 


AMIIR NUUR.

 


Sheekh Xaamud Sh. Saahidul-Kaamil

 


Sh. Abuubakar Sh. Nasru-diin bin Axmad

 


Sh Abuukar Arshoone.

 


Sheekh Aanas Shiikh Shihaab Sh.C/wahaab Shiikh Buube

 


Sheekh Cumar Diini

 


Qarnihii 20-aad

 


Sheekh Bashiir, Sheekh Xasan Barsane Sayid Muxammad, Sh. Sakhaawa-diin Sh. Uways Al-Qaadiri  oo bud-dhig u ahaa halgankii SYL ee xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya.  Khulafadii iyo Xertii Sheekh Cali Maye oo kaalin weyn ku lahaa halgannadii gumaysi diiidka ee ka dhacay magaalooyinka  Marka, Lafoole, Jilib-Marka, Warsheekh.

 


Sheekh C/rixmaan Mursal oo hoggaaminayey halgamadii Jubbooyinka.

 



 


Waxaa taariikhda ku cad oo aan marag u baahnayn, in muddadii mashaa’ikhda Soomaaliyeed ee Suufiyada ahaa hoggaaminayeen dalka aan marna la hanan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, lana gaaleysiin hal qof oo muslim ah. Dadaalka dheer ee culumada Soomaaliyeed wuxuu sababay in Soomaaliya yeelato midnimo dhan kasta ah. waayo:
 
Mad’hab ahaan waa Shaaficiya, caqiido ahaana waa Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ku abtirsada Abu Xasan Al-Ashcari & Abuu Mansuur Al-Maa’turiidi, kuna mideysan dariiqada suufiyada oo dhammaantood ku abtirsada iimaamyada Salafu Saalix.

 


Ahlusunna Wal-Jamaaca iyo maanta.
 
Waqtigan aan joogno culammada Soomaaliyeed ee suufiyada ee  ah culammada  shaaficiyada  ee Ahlu sunna Wal jamaaca waa kuwa Difaaca Diinta, dadkana bara diinta islaamka, waxay aqriyaan: Tafsiirka, Qiraa’aadka iyo dhammaan culuumta Qura’aanka kariimka. Axaadiista Rasuulka CSWS, Musdalaxa, Culuumu Rijaalka iyo dhammaan culuumta axadiista. Caqiidada, Fiqhiga, Usuulul-fiqhiga, Siirada, iyo Aalada (dhammaan fanniyada carabiyada).

 


Ilaa iyo hadda ma jiro qof kitaab aqrin kara oo aanay Suufiyadu cilmiga soo barin, xataa kuwa fara ku tiriska ah ee wadaadada u ah wahaabiyada (khawaarijta casrigaan) waxaa wax soo baray culammada suufiyada. Arrintaas waa marag ma doonto.

 


·         culammada suufiyadu ee shaaficiyadu waa aqoonyahamiinta difaaca caqiddada suuban ee ahlu-sunna wal-jamaaca. Waxayna khawaarijta casriga kala hortageen dagaal quus ku ridey khawarijta iyo gaaladii soo adeegsatay.
 
Intaas waxaa u dheer waxay ka shaqeeyaan hishiisiinta iyo is jecleysiinta ummadda walaalaha ah.  
 
Waa dhaxalkii anbiyada, waa khaliifyadii Awliyada Ilaahay, Muslimiinta ma laayaan si ay ku helaan xukun, dhaqaale, jago iwm. Dalka ma burburiyaan mana u adeegaan cadawga diinta, dadka iyo dalka Soomaaliyeed. 
 Diinta ma beddelaan, ma gataan, mana caasiyaan sheekhyadooda, ma caayaan mana weeraraan taariikhda ummaddooda, diinta way aamminsan yihiin ee kuma gabbadaan. Sidaas darteed, culammada, madaxda iyo dhammaan wax garadka Soomaaliyeed waxaa lagama maarmaan u ah:

 



 


a)                               In ay iska kaashadaan soo noolaynta iyo xoojinta doorka culammaa’udiinka si ay kaalin mug leh uga qaataan bad’baadada ummaddan.

 







MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved