Shirkii 5aad ee Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee Qaradda Yurub oo war murtiyeed laga soo saaray. { 05 Jul 2010}
waxaa la daabacay Mon 05 Jul 2010 19: 12: 10

Maanta oo ah maalin Axad ah taariikhduna tahay 18/07/ 1431 hijriyah oo ku beegan 04/07/2010-ka waxaa soo xirmay Shirkii 5aad ee Culamaa’udiinka Ahlusunna wal-jamaaca uga socdey magaalada Stokholm ee caasimadda wadanka Sweden.

 


Sida aad ogsoontihiin, shirka wuxuu socday saddex maalmood oo xiriir ah, wuxuuna bilawday 15/07/1431 hijriya oo ku beegan 2/7/2010-ka.  

 


Mu’tamarka ama shirka shanaad ee Ahlu sunna wal jamaaca waxaa ka sooqayb galay wufuud aad u farabadan oo sida aad arkaysiin ama maqlayseenba ka kala yimi inta badan waddammada Qaaradda Yurub iyo  daafaha kale ee dunida.

 


Waxaa shirka goob joog ka ah Hay’adaha  warbaahinta ee dibadda gudaha, waxaana ka mid ah saxafiyiin ka scota websetyo iyo idaacado soomaaliyeed, qaar ka mid ah warbaahinnada waddammmada Yurub.

 


Waxaa Mutamarkan hagayey aqoon-yahamiin kala duwan oo ay hormuud u yihiin  culammaa’udiiin caan ka ah dibadda iyo gudaha dalka soomaaliya.

 


Shirka oo ah mu’tamar aad u ballaaran, waxay culamada diinku ka soo jeediyeen wacdiyo, muxaadarooyin wacyi gelin iyo tawjiihaadyo lagu kordhinayo aqoonta iyo wacyiga ummadda.

 



Waxayna cualmmada iyo aqoonyahaniinta kale ee shirku ka wada hadleen marxaladda adag ee uu maanta dalku marayo, iyo dawrka culammada.

 


Arrimaha ugu waawayn ee  shirku diiradda saaray ayaa waxaa ka mid haa sidii culammada diinku u laba laabi lahaayeen doorkii hoggaaminta ummadda iyo xallinta khilaafaatka, iyagoo u tala saaranaya (Rabbi subxaanahu wa tacalaa ) lana kaashanaya wax garadka damiirka wanaagsan.

 


Qodobbada shirka

 


Shirka 5aad ee ahlu sunna wal-jamaaca waxaa looga hadlay laguna falanqeeyey  qodobbo cul culus  oo aan lagu soo koobay qodobbada soo socda:-

 


Qodobka 1aad : Mushkiladaha Khilaafaatka.

 


Dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxaa aafeeyey kilaafyo iyo is afgaran waa abuuray dagaallo lagu hoobtay, kuna salaysan dano gurracan oo is herdinaya, oo lagu saleeyey siyaasado buka, qabyaalad iyo maga diinka kariimka ah oo si khaldan loo adeegsay. 

 


1. Siyaasadaha buka :

 



Marka laga hadlayo siyaasadaha gurracan ee ku dhisan xukun doonnimada iyo danaysiga lunsani  waa cudur ka mid ah  cudurrada ugu xanuunka badan ee naafeeyey jiritaanka ummadda Soomaaliyeed;

 



Siyaasadahani ku dhisan xukun doonka,waxaa ka faa’iidaystay dhammaan cadawga ummadda Soomaaliyeed,waxaana mushaakilka cudarradaas ka dhashay qab qablayaal dagaal oo aad u arxan daran , hay’ado miirta dhiigga shacabka, ganacsato tijaarul xarbi ah oo dan u arka degganaansho la’aanta , iyo bidcooyinka khawaarijta oo si khaldan u adeegsata magaca diinta Islaamka;

 


 


2. Adeegsiga Qabyaaladda :

 



Qabyaaladdu waa cunsur ka mid ah dhaqamada ugu xun xun ee keena dib u dhaca , dilalka , sharci darrada, kala danbeyn la d’aanta iyo guud ahaan musiibooyinka bulshada naafeeya; waxaana ka faa’iidaysta dhagar qabe kasta oo doonaya in uu hagar daameeyo shacabka siiba kuwa ku dhaqma qabyaaladda;   


 Qabyaaladda waxaa ku dhaqma bulsha aan si wanaagsan u fahmin  hadyiga Rasuulka CSWS oo yiri: دعوها فإنها منتنة


”ka taga xinka Qabyaaladda waa qurune”

 


Qabyaaladdu waa tan dadka soomaaliyeed dhaxalsiisay marxalladda murugsan ee ay maanta ku suganyihiin.

 




 

3. Qalloocinta fahamka diinka:

 



Kooxaha adeegsada magaca diinta Islaamka waxay noqdeen khatarta ugu ba’an ee jiritaanka dadka diinka iyodalka soomaaliyeed, khawaarijtu waxay noqotay khatar garab iyo mar marsiyo u noqotay cid kasta oo doonaysa in ay daneheeda qallafsan ka gaarto dadka iyo dalka soomaaliyeed, waxay noqdeen kooxaha ugu arxanka daran uguna dhiig daadinta badan;

 



Si weyn ayey diinta Islaamku uga digtay kuwa sida been abuurka ah  adeegsada magaca diinka. Kuwaas wuxuu Rasuulka CSW ku sheegay in ay yihiin kuwa ugu sharta badan dadka Ilaahay abuuray oo dhan wuxuuna yiri

 



    :. رواه مسلم وابو داود هم شر الخلق والخليقة


 


4. Daadinta dhiigga



 Daadinta dhiigga muslimiintru xaaraam, ciddii xalaalaysatana way ku riddoobaysaa sida ku cad aayadda 93aad ee suuradda Al-Nisaa.

 


Kooxaha khawaarijta ee shabaabku hormuudka u yihiin waxay daadinta dhiigga muslimiinta ku kordhiyeen in ay xalaalaystaan muqaddis ka dhigaan Jihaadna ku sheegaan.

 


 


Qodobka 2aad Dawladaha Fashalan.

 



Abuuridda iyo dhisidda dawladdaha fashalan waxay safka hore uga jir jirtaa bur burinta shacabka iyo abuuristaa is afgaaran waaga dhala dagaallada iyo kala qoqobka bulshada.

 


 Dawlad ku sheegyadii magac u yaalka ahaa ee ay ka midka haayeen dawladdii cali Mahdi , tii C/Qaasim iyo tan uu hadda madaxda ka yahay shariif sh. Axmad.

 


Dawladahan waxay isbaaro u noqdeen ama ay dib u dhigeen in la helo dawlad sax ah, maadaama ay iyagu sheeganayeen magacii dawladda, waxayna ka qayb qaataan dawlad la’aanta, adeegsiga qabyaaladda , dagaallada, qaxa , wax barasha la’aanta.

 


Tan hadda joogta ee shariifku madaxda ka yahay waxay kuwaas dheertahay in ciidammada loogu soo taba baro dibadda ay ka mid noqdaan kuna biiraan ciidammada Shabaabka, waxaana madax wasiirro iyo xildhibaanno ka ah shakhsiyaad xiriir la leh kooxahan kor kusooxusnay.

 


 Bayaanka shirka.

 


1.   Culamaa’udiinka Ahlu sunna Wal-jamaaca waxay  caddaynaynaa in dhibaatda dadka haysata ay masu’uul ka yihiin Kooxaha khawaarijta.khawaarijta DFK, iyo ciidammada Amisom.

 



2.   Waxay caddaynaynaan in ay xaaraam tahay in la xalaalaysto dhiigga Soomaalida muslimiinta ah.

 



3.    Waxay bayaaninaynaan in dawladaha iyo hay’adaha faraha kula jira arrimaha soomaaliyeed ay mareen dariiq dhunsan oo caqabad ku ah in soomaaliya ay hesho nabad gelyo iyo dawlad ka dhalata geyiga Soomaaliya.

 



 



4.   Waxay caddaynayaan in habka khaldan ee ay dawladahaasi u maraan xallinta arrinta soomaaliya uu yahay hab dan u ah kooxaha ay ku magacaabaan Argagixisada, bur burkana ku ah, shacabka tabaalysan ee soomaliya.   

 


Mahad celin

 


Waxay Culamaa’udiinka iyo dhammaan wax garadka shirku u mahad celinyaan aman iyo ducana usoo jeedinayaan dhamaan guddiga qabanqaabada shirka, culmaaudiinaka iyo aqoonyahanada soo jiidiyey khudbadaha qiimiga badan, gudiga habmaamuska shirka iyo dhammaan kasoo qaybgalyaasha sharafta leh.

 


·         Shirku Wuxuu u mahad celinaynaa maamulka iyo qaybta ammaanka ee Xaafadda Rinkippii iyo dawladda aan dalkeeda ku qabsannay shirkan taariikhiga ah.

 



·         Wuxuu ammaan u soo jeedinayaa dowladaha gacan qabtay dadka Soomaaliyeed, soona dhaweeyay, una sameeyay dib u dajinta iyaga iyo familadoodaba.

 


Camabaarayn.

 


·         Culammaa’udiinka iyo wax garadka shirku Waxay cambaaraynaynaan fal kasta oo dhibaato loogu gaysanayno nafta, maalka iyo sharafka Ummadda soomaaliyeed.

 



·         Waxay cambaaraynayaan gawraca, dilalka qorsheysan iyo xasuuqa loo gaysanayo shacabka, hay’adaha iyo waxtarka ummadda soomaaliyeed.

 



·         Waxay cambaaraynaynayaan falalka lagu tooganayo dadka ka soo baxa masaajidda iyo kuwa ku tukanaya si khal khal loo geliyo goobaha cibaadda.

 



·         Waxay dhaleecaynayaan dhamaan falalka  lagu soo faagyo Qabuuraha culammada waawayn.

 



·         Waxay cambaaraynayaan falalka afduubka loogu gaysanayo shaqaalah hay’adaha samafalka iyo ismiidaaminta ama is qarxiska lala beegsanayo dadka rayidka ah.

 


Waano iyo duco:

 


Culammaa;udiinka Soomaaliyeed ee Shirka Qaaradda Yurub iyaga oo ku hadlaya magaca culammaa’udiinka Ahlu-sunna wal-jamaaca meel kastoo ay adduunka ka joogaan waxay shacabka Soomaaliyeed ku waaninayaan

 


·         In ay Rabbi ka cabsadaan, ayna joojiyaan wax kasta oo taageera iyo garab u noqonaya khawaarijta iyo qabyaaladaystayaasha khatarta ku ah khayrka, jiritaanka ummadda soomaaliyeed.

 



·         In ay usoo laabtaan caqiidaddoodii suubanayd iyo culammadoodii soo jireenka ahaa ee Ahlu-Sunna wal-jamaaca.

 



·          In dadka Soma;liyeed ay joojiyaan dhaqaalaha ay siinayaan  khawaarijta wahabaiyada, kaasoo ay  ku  qaadaan magac Agoon, dhisme masaajid, dhaqaalahaas oo loo adeegsado dagaallada, iyo taakuleynta Shabaabka iyo khawaarijta kale ee dagaalka iyo amni darrada ka wada gudaha dalka soomaaliya.

 



·         Waxaan ummadda Soomaaliyeed fareynaa in ay Rabbi u tawbad keenaan, is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna celiyaan hantida ay ku kala qaateen xaqdarrada iyo dagaallada ;

 



·         In Culammaa’udiinka Ahlu sunna wal jamaaca meel kasta oo ay joogaan ay aqriyaan Quraan iyo Alle bari aad u fara badan, ayna ku duceeyaan caqiidda Suubban, nabad, barwaaqo iyo dawlad degd deg ah oo xooga leh, kuna dhaqanta xaq iyo caddaaladda  uu Alle raaliga ka yahay. 

 


Ugu danbeyn  

 


Waxaan ummadda Soomaaliyeed Rabbi uga baryeynaa in uu ka dul qaado dhibaatada ku dul habsatay, uuna ku galladaysto naxariistiisa waasica ah .

 


Wabillaahi tawfiiq.

 


Wasalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuh.



Ahlusunna.org






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved