Shabaabku yey uga daysadeen falalka ay sameynayaan. cashar lagu caddaynayo in aanu jirin wadaad ka mid ah Wahaabiyada oo aan ardadisa u iftoon in ay bannaystaan dhiigga dadka aan iyaga raacsanayn ( Qaybtii 14aad ) { 26 Jun 2010}
waxaa
la daabacay Sat 26 Jun 2010
22: 22: 44
Qaybtii 13aad ee Qoraalkan, waxaan ku soo ogaannay
sida diin la’aanta iyo naxariis darrada ah ee Wdaadadii Wahaabiyadii Al
itiaxadku ay dagaallada ugu baab’iyeen shabaabkii Al itixaadka ee ay geliyeen
dagaalladii Boosaase iyo Garoowe iyo sidii ay u xalaalaysteen dhiigga
Muslimiinta, una khiyaaneen dadkii aaminay.
Intas waxaa dheer, in la ogaado in dagaalladaas
oo keliya aanay ahayn dagaalladii ay wahaabiyadu ku qaadeen ummadda
Soom,aaliyeed.
Waxay galeen dagaallo fara badan oo ka kala dhacay
Gobollada dalka Soomaaliya ee Banaadir , Shabeellada hoose , shabeellada dhexe
, Jubbada dhexe , Jubbada Sare , Gedo iyo gobolla kale.
Caddeymahaan oo dhan waxaan uga gol leenahay in la
ogaado lana hubsado in aanu jirin nin ka mid ah wadaadda Wahaabiyad ee
soomaalida oo aan ardadooda alitixaadka iyo shabaabka u iftoon in ay dadka
laayaan , dhiiggooda xalaalaystaan, Jihaadna ku sheeegaan tacadiyadooda.
Tusaale waxaa noogu filan.
casharradii faraha badnaa ee aan ku soo ogaannay in
tawxiidkii sheekha wahaabiyada ee Muxammad C/Wahaab uu waajib ka dhigayey in la
laayo, dhiiggoodana la bannaysto Muslimiinta aan wahaabiyada ahayn, uuna
magaalooyinka iyo baadiyaha Jasiirrada Carabta ku laayey kumannaan muslimiin
ah.
Tusaalaha labaad waxaa u soo qaadanaynaa dagaalladii
aan ka soo hadalnay ee wahaabiyadu ka sameeyeen Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe
iyo degaanno ka tirsan gobolka Mudug taartriikhdu markay ahayd 04/01/1413h oo
ku began 04/06/1992, Waxayna Shabaabka wahaabiyadu waqtigaas ku dagaal
galeen magaca Al-Itixaad Al-Islaami!!.
Tusaalaha saddexaad waxaan u soo qaadaan doonaa
dagaalkii ay ka sameeyeen araarre 19991dii ·
Tusalaha afaraad waxaan u soo qaadan doonnaa
dagaalladii ay ka sameeyeen Gobolka Gedo 1996dii.
Tusaalaha shanaad waxaan u soo qaadanaynaa dagaalkii
Hawl wadaag iyo bakaaraha ee 1999kii.