Waxaan Qoraalkii noogu danbeeyey ee 12aad ku soo ogaannay wadaaddadii ugu waawaynaa Wahaabiyada ee Iftooday in ururukii ka talinayey Gobollada woqooyi Bari iyo Nugaal ay yihiin soomaali gaalo ah, ayna waajib tahay in lagu jihaado.
Waqtigaas waxaa itixaad la dhihi jirey kooxaha hadda la kala baxay Al shabaab iyo Xisbul Islaan , oo ahaa kooxihii 2006-dii Magaalada muqdisho iyo koofurta Soomaaliya kaga hawl galay magaca Midawgii Maxaakimta.
Haddaba, waxaan halkaan ku qaadaa dhigi doonnaa habkii uu dagaalku u dhacay iyo qaabkii loo jebiyey Al-Itixaadka;
Markii Al-itixaadku ku soo jabeen dagaalkii buundada Araare ee agagaarka magaalada Kismmaayo ee caasimadda gobolka Jubbada hoose, waxaa ciidamadii jabay laysugu geeyey magaalooyinka Raaskaanbooni iyo dhoobleey.
Mudda yar kadibna waxaa ciidammadaas loo soo qaaday Boosaaso oo ahayd meel la isugu keenay inta badan ciidammadii iyo taageerayaashii itixaadka.
Dagaalka Araare ka hor ayey Itixaadku ku hamminayeen gobolka woqooyi bari ; maadaama ay taageerayaal ku lahaayeen una arkaayeen meel istiraatiiji u ah oo ay ku taal xeeb iyo deked si fudud isugu xiri karta iyaga iyo waddamada Carabta.
Markii Itixaadku tageen Magaalada Boosaaso ee caasimadda Gobolka Woqooyi bari waxay itixaadku ka heleen rajadii ay ka qabeen, waxaa isla markiiba odayashii degaanku u dhiibeen maamulkii Dekadda Boosaaso
Sababta loogu dhiibay dekedda ayaa waxay ku dhisneyd laba khiyaano :
· Waa tan koowaade waxaa jirey dad beesha magac ku dhex leh oo ka mid ah madaxda Itixaadka , waxayna shakhsiyaadkaasi beeshooda ku qanciyeen in Al Itixaadka lagu wareejiyo maamulka iyo ammaanka dekedda Boosaaso .
· Waa tan labaade waxay itixaadka ka soo jeeda beelaha deegaanku maleegeen iska hor keen beelaha dhexdooda ah , markii ay isu soo dhowaadaanna iyaga ayaa fashilinayey isu soo dhowaashaha waxayna beesha dhexdeeda adeegsanayeen isuna kala qaybinayeen wadaaddo, ganacsato, odayo, saraakiil, iwm.
Waa sidii ay ugu tala galeene, markii beelihii degaanku ku hishiin waayeeen Maamulkii Dekedda Boosaaso waxay itixaadkii iskala qaybiyey odayaashii deegaanka ku qanciyeen in maamulka dekedda loo dhiibo waxa ay ugu yeereen wadaaddada , oo ay uga jeedeen ururuka al-itixaadka.
Shirqoolkaas way ku dheceen odayaashii reer boosaaso oo Al-itixaadkii ayey u dhiibeen maamulkii Dekadda.
Waa sida lagu yaqaannay abaallaawayaashee aan axdiga iyo ballaanka lahayne markii loo dhiibay maamulka Dekedda waxaa urururkii itixaadka galay damac inay gebi ahaanba la wareegaan maamulka gobollada Woqooyi Bari , Nuugaal iyo dhammaan gobollada ku teedsan.
Iyagoo arrintaas ka duulaya ayey alitixaadku olole ballaaran u galeen in meel walba oo ay dalka ka joogaan ay u soo guuraan Boosaaso si ay awood ugu yeeshaan deegaanka, uguna diyaar garoobaan dagaal ay ku qabsadaan Degaanka oo dhan.
Hoggaamiyaalkii Al-itixaadka ee gudaha ka qorsheeyey dagaalka Boosaaso iyo Garoowe waxaa ka mid ahaa Maxammed sheikh Cusmaan oo markaas ingiriiska degganaa, Maxamuud Food cadde, Aadamn Maxammed Ciise , Jaamac Cabdi Salaam, Daahir Indh buur, C/Qaadir Gacameey, Cabdul-Casiis Guureeye, Cabdul Casiis Faarax( lagu jire ) Col. Faarax xasan faarax ( weji xun ) Col Xasan Daahir Aweys, Col Maxamuud Ciise Saciid Abuu MUxsin , Maxammed Idiriis, C-llaahi cali Xaashi, Cabdu raxmaan Jibriil, Cali Warsame oo ahaa guddmmiyihii Al-itixaadka iyo kuwa kale oo aad u fara badan.
Maxammed Cabdi Ummal oo hadda u sarreeya Itixaadka wahaabiayda ee Kenya iyo Maxamed Sh. Cumar Diririr oo u sarreeya itixaadka wahaabiayda ee Hargaysa waxay ka mid ahayeen dhallinyaradii aadka u taageersanaa dagaalka laakiin waqtigaas caan ma ahayn
Ummal waxaa diyaariyey Maxammed Sh Cusmaan , meesha Dirirna ay ka diayariyeen ardadii Cali Warsame.
Markii khawaarijtii wahaabiaydu go’aamiyeen in ay xoog ku qabsadaan Gobollada Woqooyi bari iyo nugaal waxay hoggaamiyaha dagaal gelinta u magacaabeen Xasan Daahir oo markaas joogey magaalada Beled Xaawo.
Waqtigaas waxay itixaadku aad isula dhex marayeen in xasan daahir uways uu yhay halyeey daacad u ah Al-itixaadka oo uu magaalada Beled Xaawo ku dilay nin la oran jirey Col Shabeel oo ay xasan daahir ilma adeer ahaayeen.
Shabeel wuxuu hoggaaminayey ciidammo USC ka amar qaata oo ku soo duulay gobolka Gedo, dhanka kale arrintaas waxaa xasan daahir ku canbaareyn jirey Al-itixaadka ay isku qabiilka yihiin oo ku eedeynayey in uu yahay nin loo soo adeegsaday qabiilkiisa.
Aan mowduuca u soo laabannee waxaa Xasan Daahir loo dhiibay hoggaaminta dagaalka khawaarijnimada ah ee lagu xalaalaysanayo dhiigga dadka muslimiinta ah.
Xasan Daahir aad ayuu ugu farxay una soo dhoweeyey dhiig daadinta loo magacaabay , wuxuuna jeediyey khudbad aad loo duubay oo mudda badan ku jirtay jeebabka ciyalkii lagu dagaal gelinayey magaca Al-itixaadka.
Dagaalkii uu hoggaaminayey xaasan daahir waxaa hal mar lagu aqseeyey Gobollada woqooyi bari iyo Nuugaal, si deg deg ah ayeyna Al-itixadku u qabsadeen magaalooyinka Boosaaso, Qardhe, Garooweiyo deegaanno kale.
Markii ay arkeen odayaashii iyo siyaasiyiintii gobolladaas u dhashay waxay qaateen go’aan deg deg ah, shir deg deg ah ayeyna isugu yimaadeen Magaalada Garoowe.
Isla markiina Ciidammadii Itixaadka ayaa soo qab qabtay oo xabsiga dhigaay dhamaan kooxihii shirayey oo uu ka mid ahaa COL C/llaahi Yuusuf Axmad.
Wahaabiyadii Al-itixaadku aad ayey isugu khilaafeen odayaasha la qabtay sidii laga yeeli lahaa, ilaa iyo haddana khilaafkaasi wuu ka dhex taaganyahay Wahaabiayda soomaalida iyo xataa kuwa dibaddaba.
Sida laga dhe dhedhensanayey Khudbadaha Usaama Binlaadi oo dagaalka gacan ku weyn ku lahaa.
Si kastaba ha ahaatee waxay itixaadkii u bateen in ay sii daayaan C/llaahi yuusuf iyo ragii la xirnaa wayna sii daayeen.
Isla markiiba C/llaahu Yuusuf dagaal ayuu ku qaaday Al-itixaadka , wuxuuna u jebiyey si aan weligeed la arag, sanada bandanna ay ka soo waaqsan waayeen.
Waxaa dagaalkaas Al-itixaadka looga laayey ciidan kor u dhaafayey 1000 qof oo ay ku jiraan saraakiil iyo hantiilayaal itixaad ah; waxaana laga dhaawacay ciidamma laba kun kor u dhaafaya.
Dhammaan wahaabiaydii Al-itixaadku waxay noqdeen mid dhinta, mid dhaawacma iyo mid cara.
Alitixaadka dagaalka ku dhintay waxay u badnaayeen dhallinyaradii qoryaha sidatay, inta badanna Wadaadadii ugu waawaynaa itixaadka ee dhallinayarada dagaalka geliyey way baxsadeen, waana sida ilaa iyo ahdda lagu yaqaan iyaga iyo hoggaaamiya kooxeedyada.
Isku soo duube jabkan gobollada Nuugaal iyo woqooyi bari ka soo gaaray khawaarijta wahaabiayda eek u hawl galayey magaca Alitixaadka wuxuu hammigii wahaabiyada dib u dhigay sanado badan, waxayna dagaalkii kaas xigey qaadeen 1996-dii oo ay ka sameeyeen Gobolka Gedo.
Inshaa’allaah qoraalladeenna danbe ayaan uga hadli doonaa dagaalladii wahaabiyada ee Araare , Gedo , muqdisho iyo kuwii la midka ahaa.
|