Waxaan si faah faahsan ugu soo ogaannay qoraalladeennii here ee 11-ka ahaa in gaalaysiinta muslimiinta iyo daadinta dhiiggoodu uu yahay Caqiiddada wahaabiyada , shabaabkana ay yihiin wahaabiyo diin ahaan loo baray dilalaka gawraca iyo tacaddiyada ay geysanayaan.
Sidaas awgeed , Waxaan qaybtan ku soo gudbinaynaa :
1. In wadaada wahaabiyadu ay iyagu shabaabka bareen afkaarta ay ku burburinayaan Diinta Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.
2. In iyagu shabaabka geliyeen dagaallada ay ku xalaalaysteen dhiigga muslimiinta iyo Hantidooda .
3. Wdaadada wahaabiyada ayaa shabaabka u iftooda in ay ku jihaadaan dadka soomaaliyeed ee aan wahaabiyada ahayn.
4. Marka aywadaadada wahaabiaydu ka hadlayaan khaladka shabaabku ma sheegaan xukunka rasmiga ah ee diintu ka qabto falalka ay ku kacayaan shabaabku , Keliya waxay ku eedeeyaan shabaabka in ay wadaadadooda ka danbayn waayeen , ayna kula soo jeesteen wixii ay bareen.
Mukhtaar Rooboow oo eedeynaya wadaadada wahaabiyada ee wax ka sheegaya shabaabka wuxuu yiri : “wadaadkii aniga isiiyey rasaastii aan ku galay dagaalkii Boosaaso ayaa hadda idaacadaha ka sheegaya in aan jihaadkeennu bannaanayn”
Dagaalladii ay wahaabiyadu u iftoodeen shabaabka
Ma jiro nin ka mid ah wadaadda Wahaabiyad ee soomaalida oo aan ardadooda u iftoodaan in ay dadka laayaan , dhiiggooda xalaalaystaan Jihaadna ku sheeegaan.
Tusaale waxaan u soo qaadanaynaa dagaalladii ay wahaabiyadu ka sameeyeen Boosaaso, Garoowe iyo degaanno ka tirsan gobolka Mudug taartriikhdu markay ahayd 04/01/1413h oo ku began 04/06/1992.
Shabaabka wahaabiyadu waxay waqtigaas ku dagaal galeen magaca Al-Itixaad Al-Islaami!!
Dagaalkan sheekhyadii wahaabiyadu waxay ku magacaabeen Jihaad, waxayna Iftihii ay ku banneeyeen dagaalkaas ay cinwaan uga dhigeen:
Bayaan wayn oo ay soo saareen culamada Soomaaliyeed oo kasoo baxay Gole ay u dhanyihiin Culamaa’udiinka Soomaaliyeed!!!
Waxayna wadaaddada wahaabiyadu bayaankan ku caddeeyeen
1. In soomaalida ay la dagaallamayaan ay yihiin Jabhado gaalo ah
2. in dagaalka boosaaso, garoowe iyo hareereheeda uu u dhexeeyo ducaadda Islaamka iyo gaalo diiday in lagu dhaqmo sharciga Islaamka.
3. in ay ku jihaadayaan jabhado gaalo ah oo dadka ugu yeeraya Cilmaaniyad.
4. in muslimiinta caalamku taageeraan Jihaadka ay ku qaadayaan Soomaalida!!!.
5. in soomaalidu taakuleeyaan taagewerana siiyaan ducaadda doonaysa inay dalka ka dhaliyaan dawlad Islaami ah.
6. dhammaanteen waxaan ayidaynaa , iftaha jihaadkaas islaamiga ah, ee dhawaan ka billaawday magaalada Boosaaso iyo hareereheeda!!!, waxaanna soo saarnay Iftahan caddeeynaya in dagaalku u dhaxeeyo xaq iyo baadil!!!,.
Iftahaan waxaa soo saaray bayaankana saxiixay wadaddada ugu waawayn wahaabiyada.
Waxaana iftahan taageeray dhammaan wahaabiyada soomaaliya meel kasta oo ay adduunyada ka joogaan :-
Wadaadadii Wahaabiyada ee iftooday dagaalkii ay ku qaadeen Soomaalidii degganayd Boosaaso (woqooyi bari) Garoowe ( Nuugaal ) iyo hareereheeda waxaa ka mid ahaa :
1. Sh.Cumar-faaruuq Cabdi Suldaan.
2. Sh.Maxamad Khayr
3. Sh.Jaamac Faarax Gaas
4. Sh.Shariif Xaydar
5. Sh.Daahir Cabdi Geelle
6. Dr.Axmad Maxamad Maax
7. Sh.Maxamad Calasoow
8. Sh.Cismaan Macalin Yuusuf
9. Sh.Yuusuf Maxamad Cilmi
10. Dr.Axmad C/ladiif
11. Sh.Axmad XaajiC/raxmaan
12. Sh.Axmad Cismaan Imaam
13. Dr.C/qaadir Maxamad C/llaahi
14. Sh.C/raxmaan Sheekh Cumar
15. Sh.C/raxmaan Maxamad Qayliye
Wadaadadan wahaabiyadu waxay iftahan ay ku xalaalaysteen dhiigga muslimiinta soo saareen taariikhdu markay ahayd , 04/01/1413h oo ku beegan 04/06/1992.
Soomaalidii waqtigaas ay ku jihaadayeen wahaabiyadu ma ahayn Ithiopia iyo gaalo waddamma kale ka soo duushay , waxay ahaayeen muslimiin soomaali ah oo ku nool degaannadoodii ay ku dhasheen, meesha wahaabiyadu Al-Itixaadku ka soo duuleen degaanno fog fog.
Inshaa’allaah waxaan qoraalkeenna danbe ku soo gudbin doonaa habkii uu u dhacay dagaalkaan ay iftoodeen wadaadada wahaabiaydu iyo jabkii ka raacay dagaalka.
Ahlusunna.org
|