Maasha Allaah Ahlu Sunnaaan Mahaad u Celinaaye (CURISO: XURMO CALAS) { 06 Jun 2010}
waxaa la daabacay Sun 06 Jun 2010 15: 14: 58
Xurmo Calas waa gabar Soomaaliyeed oo fikirkeeda ku soo gudbineysa Gabay, waxayna ka maansooneysaa Arrimaha soomaaliya ka taagan iyadoo gabay ku cabbireysa ujeeddada iyo hadafka guud ee Culimada Ahlusuna, waxaa kale oo ay soo qaadaneysaa dhaqamada kooxaha kale.


Mowlahay illah baan mahadda guud siiyey,



Marka xigaa maxamedkeni baan ku salinayaaye,



Marka xiga muraadkaygu waa maaso yaro gaaban,


 


Maasha alaah Ahlusunaaan mahaad u celinaaye,



Mugdi waxay ka saareen magaca soomaali,



Matalihii buluuglaa booraarka u surane,



Marinkeedi saxaabada inay hayaan muraanla weeyaane,



Musuqmaasuq kuma maamulaan meel aay joogaanba,



Mid ogaada soomaaliyeey meel aad joogtaba,e,



Maarta waxay u qaateena waa maafiyaa timiye,



Mar qurahaa la weeraaray magiicii diinteena,



Midnimay ku maaraynayaan magaca soomaali,



Madax dooni mahayaan iyo maal ha lagu siiyo,



Masiibay ka mooseen markaan mudug kusii jeeday,



Mar horuu mashaqo mudan lahaa mushtamac woqooyi,



Mooryaanta maan doorsan bay muuruq u sheegteene



Magaalooyinkay ku harsanyihina way ka haahuurin,



Mashaa,iiqdu waa muqadise maqaal ha loo yeesho,



Mudankooduna  waa inaan midigta siinaaye,



Madmadoow haduu jiro aloow meesha laga saaro,



Mashaqiyo aloow anaan maqal waa la kala miirmay,



Muran iyo is maan dhaaf aloow uusan soo marine,



Masiibada ilaahoow ka moos maalin iyo laaylba,



Mabda' lagu midoobaan maanta sugaaynaaye,



Madax wada cadalada ayaan maanta sugaynaaye,



Mashaa,iiqdo madax noo ah baan maanta sugaynaye,



Mugdigaan in laga wada baxaan maanta sugaynaaye,



Allahayow adaa magan gelshee dowga mudan raaci.

 
CURISO: XURMO CALAS, xurmo2@hotmail.co.uk





MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved