Arxan loomagalin nimankii afafka duubnaaye (Gabay) { 06 Jun 2010}
waxaa la daabacay Sun 06 Jun 2010 14: 47: 20

Ashahaado la dirirkii la waa aragtidoodiiye
 

Ayagaba amuur baa heshoo aabi laga raacye
 

Aflibaax inay galeen uunku wada sheegye
 

Altallariga markii lagu ridey oradka boobeene
 

Agab waxay wateenna aayar lagaqaadye
 

Arxan loomagalin nimankii afafka duubnaaye
 

Unuunkaa ka wada go'an raggii soo ahaan jiraye
 

Adimada ayey taagayaan aagga Dhuusa-maree e'
 

Amakaag baa ka haray wixii aaminaanjiraye
 

Aduunyada waxay mudanyihiin waaba aragnaaye
 

Aakhirana Ilaahow ka goo' eeyda goorta lehe
 

***
 

Wax dhanbaa hayrayaal Shabaab hadal la gaarsiiyey
 

Wax dhanbaa halaag looga digay har iyo habeene
 

Haaddu se nimay saarantahay baan hadal la deeqsiine
 

Horarkaba nimankii ahaa wiilal baa helaye
 

Ayagoo harmiid leh ayaa hawdka lagu laayey
 

Halyey waxay ku sheegeen ayaa haadku cunayaaye
 

Hoobiyaha markii lagu harqiyey oo hugunku uu yeeray
 

Hawsalka iyo faalkiyo markii holucu uu leefay
 

Hareeraha markii laga galoo hooto lala eegtay
 

Ma hubsan halkii looga yimid iyo hawshu saytahaye
 

Ayagoo is-haaraamayey baqo huleeleene
 

Haraadigii ka harayna mar un waa la soo heline
 

***
 

Haweenka iyo caruurtay hanaqa gooyaane
 

Hul un bay ilmaha lagalin oo horin ku fuulaane
 

Hawlgal dabadeed bay hoggaan dalaq ku siiyaane
 

Hadimada kuwii qoolay baa talo la haybshaaye
 

Haadaanse in loo qodey hoosta ka xariiqin
 

Har cad inay dhagax ku hoobsheenna waaba la hubaade
 

Hal ku dhigayga maansada Allow hiillo igu siiyoo
 

Haawaydaan la soo diray waqaa halaagtaaye
 

Hal Ilaahow ka dhawr oo hakala reebin
 

Haawiyana Ilaahow ku tuur iyo holicii naareede

Sh. Cabdulqadir Qoslaaye Shaxbal






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved