Shabaabku yey uga daysadeen Falalka ay samaynayaan. (Qaybtii 10-aad ) qoraal aad u culus , xaqiiqa badanna caddaynaya. { 04 Apr 2010}
waxaa la daabacay Sun 04 Apr 2010 04: 51: 32

Sagaalkii qaybood ee aan ka soo qornay kitaabbada Wahaabiyada waxan ku soo ogaanay i n wahaabiyadu yihiin khatartii ugu wayneyd ee soo marta Muslimiinta .

Waxaan soo ogaannay in falalka ay Shabaabku ka sameeynayaan Soomaaliya ay yihiin falal ay ka barteen wadaadadooda Wahaabiayda.

Waxaad soo aqrisateen in Wahaabiaydu gaalo ku sheegeen Muslimiinta oo dhan , mana jiro cid muslimiinta u caayday uguna xad gudubtay sid aay wahaabiyada u caayeen .

Dagaalka ugu badan waxay ku qaadaan Imaamyaalka diinta Islaamka ,Aalu Baytka Rasuulka CSW iyo Muslimiinta oo dhan . xataa Rasuulka CSWS iyo Haweenkiisu kama nabad gelin Wahaabiyada .

Sawjaatka Rasuulka CSW.

Wahaabiga Med Nasiib Al-Rufaaci kitaabkiisa Nawaalul-Munaa bogga184 –188 wxuu sheekha Wahaabiayda ee Al-Baani ku sheegay in ay suura gal tahay in haweenka Rasuulka CSW ay sineystaan!!!. Waxaana hadalladiisaas diin la'aanta ah ka mid ahaa :-

و إن كان وقوع ذلك ممكنا من الناحية النظرية – اى الزنا- لعدم وجود نص باستحالة ذلك منهن – اى امهات المؤمنين - و لهذا كان موقف النبي صلى الله عليه وسلم في القصة موقف المتريث المترقب نزول الوحي القاطع للشك .

Waa suurta gal dhinaca Nadariyada in ay sinadu ka dhacdo Haweenka Rasuulka ; maadaama aan la hayn NAS ( Quraan iyo Xadiis ) caddaynaya in xaasaska Rasuulku aysan sina ku dhici Karin ; sidaas darteed , mowqifka Rasuulka CSW ee Qisada Ifkiga ee caa'isha uu Rasuulku ka qaatay waxuu ahaa mawqif sugid iyo kaadsiinyo uu sugayo waxyi ka jara ama ka bixiya shakiga ; ayuu Yiri Albaani Allaha ka abaal mariyee..

Innaa lillaah !! Albaani wuxuu halkaan ku sheegayaa in Hooyadii Muuminiinta ee Caa'isha uu Nabigu Sina uga shakiyey!!! Acuudu Billaah ; been weyn Sandiiqnimo iyo diin la aan ayuu ku hadlay Albaani ; waayo Rasuulka CSW wuxuu sugayey waxyi si Alle uu u fashilayo beenlowyaasha munaafiqiinta ah , uuna soo baxo fadliga, nuurka iyo karaamada Sayiddada Caa'isha Allaha ka raalli noqdee.

Walaalayaal Albaani wuxuu ku hadlay diin la aan aanu ku hadli Karin qof muslim ah. Haddaba Ka wrrama sheekhyada Wahaabiayda ee Albaanigaas daliishanaya oo oranayaصححه الألباني وضعفه الألباني Xadiiskan Albaani ayaa saxiix yeelay ama daciif yeelay.

Waa xaaraam mana oggola diinta Islaamku in qof waxaas iyo wax la mid ah sheegaya lagu sheego Imaam Saxiix yeela ama daciifiya Axaadiista Rasuulka CSW.

Maxammed C/Wahaab , Albaani , Bin baas Cusaymiin iyo Wahaabiayda la midka ah waxaas iyo wax ka daran ayey ka sheegeen Rasuulka CSW , haweenka Rasuulka , Aalu Baytka Rasuulka iyo Imaamyaalka diinta islaamka.

Xad gudubkan ay Sheekhyada Wahaabiyadu u geysteen Ahalka Rasuulka CSW , Waxay si cad u dhinac mareen Quraaanka kariimka iyo Axaadiista Rasuulka CSW ; Aayadda – ee suuradda Al-Axsaab Rabbi sunbxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri :

إِنَّمَا يُرِيدُ اللَّهُ لِيُذْهِبَ عَنْكُمْ الرِّجْسَ أَهْلَ الْبَيْتِ وَيُطَهِّرَكُمْ تَطْهِيرًا - الأحزاب -

Ahlul Baytkiiyoow , Alle Wuxuu doonayaa , in uu idinka dheereeyo xumaanta , uuna idin dahiro , daahirnaan wayn idin daahir yeelo.

Hadalka uu sheekha Wahaabiayda ee Albaani ka sheegay Haweenka Rasuulka CSW wuxuu muujinayaa colaadda ay wahaabiaydu u qabaan Rasuulka (CSWS). Taas waxay sii adkaynaysaa hadalkiisii caanka ahaa ee muranka dheer dhaliyey ee uu Qabriga Rasuulka ku yiri: هذا وثن يعبد

oo macneheedu yahay: “Qabriga Rasuulku waa sanam la caabudo”!!;

Albaani iyo sheekhyada wahaabiyadu afka kama qaadaan ha la dumiyo Qabriga Rasuulka CSW ; Albaani wuxuu ku yiri : kitaabkiisa

تحذير الساجد من اتخاذ القبور مساجد للألباني

فعجبت حينئذ كيف ظلت هذه الظاهرة الوثنية قائمه حتى في عهد دوله التوحيد ؟

Waxaan la yaabay ayuu yuru Albani markii aan arkay Qabriga Rasuulka , sidii muuqaalkaas sanamku uu weli u taaganyahay xataa waqtigii dawladda Tawxiidka ? ee SAcuudiga.

Subxaanallaah!!! Albaani wuxuu la yaabbanyahay in dawladda Sacuudigu aanay weli bur burin Qabriga Rasuulka CSW. Yaabka kale wuxuu yahay dawladdii Sacuudiga ayuu ku magacaabayaa dawladdii Tawxiidka , Dawladihii Islaamka ee ilaa iyo waqtigi Taabiciintana wuxuu ku tilmaamayaa in ay yihiin Dawlado shirki!!! .

Aalu Baytka Rasuulka CSW.

Ma aha Albaani keliya wahaabiayda colka la ah Rasuulka CSW iyo Ahalkiisa barakaysan, waxaa asal u ah nacaybka oo ay ka keeneen sheekha wahaabiayda oo ah Muxammad Cabdul Wahaab .

Ninkan wuuxuu laayey Asharaafta intii uu layn karey , wuxuuna u geystay caay iyo aflagaaddo ka xun tii uu gaystay Shaydaankii weynaa ee Salmaanu Rushdi .

Kitaabka uu qoray Muxammad C/Wahaab ee la yiraah Al-Rasaa'ilu Shakhsiyah Qaybtiisa 5aad bogga 96 wuxuuMuxammad Cabdul Wahaab ku yiri .

" آل الأمر إلى الهتيميات المعروفات بالزنا والمصريات يأتون وفوداً يوم الحج الأكبر

كل من الأشراف معروفة بغيته منهن جهاراً ".

انظر الرسائل الشخصية فىىالقسم الخامس صفحة 97 لمحمد بن عبد الوهاب .

"Arrinkii madaxda Asharaaftu wuxuu u dhammaaday – Isticmaalka - naagaha Reer Haytami ee lagu yaqaanno sinada iyo naagaha reer Masar!!! ; ; Asharaaftii waxay imaanayaan iyagoo wafdiyaal ah maalinta Xajka wayn (ee Carafa) , nin kasta oo asharaafta ka mid ahna waa la garanayaa naagta uu doonayo in uu si cad uga sinaysto.

Innaa lillaah !!! Walaalayaal qof sidaas u hadlaya iska daa imaam ama sheekhe , xataa ma lagu sheegi karaa qof diin haysta..?

Sow arintani ma caddaynayso in shabaabku ay gaalaysiinta iyo akhlaaq xumada ka keeneen sheekhooda Muxammad C/Wahaab?.

Caayda ilaa heerkaas ah ee uu Muxammad C/Wahaab u gaystay Aalu Baytka Rasuulka CSW , waxay caddayn u tahay nacaybka fog ee ay wahaabiyadu u qabaan Rasuulka CSW iyo Aalu baytkiisa allaha ka raalli noqdee.. Wahaahiyadu waxay sidaas si ka xun ugu gefeen Imaamyaalka Diinta Islaamka.

Sida ay wahaabiaydu u caayeen Imaamyalka Dinta Islaamka , siiba imaamyaalka Suufiyada.

كتاب تنبيه الغبي لبرهان الدين البقاعى

كتاب تنبيه الغبي لبرهان الدين البقاعى

باليف : عبد الرحمن الوكيل تحت أشراف ما يسمون رئاسة أدارة البحوث العلمية ولأفتاء للمملكة العربيةالسعودية .

ان التصوف دين الوثنية والمجوسية , دين ينسب الربوبية والألهية ألي كل زنديق وكل مجرم وكل جريمة؛ دين يري في أبليس وفرعون وعجل السامري وأوثان الجاهلية اربابا

Oo macneheedu yahay :

• In Tasawufka – ama Suufinnimadu tahay diinta gaalada wasaniyada ah ee Asnaamta caabbudda !!.

• In suufiyadu aaminsanyihiin ; in Mujrim kasta iyo danbiga –xumaanta oo dhan ay tahay Rabbiga iyo Ilaaha Suufiyada!!.

• InTasawufka suufiyadu uu yahay diin gaalnimo ah ; Rabbiga la caaabudana ay u yaqaaniin Ibliis , Fircoon iyo dibigii Saammiri ee yuhuudddu cabudi jirtey . !!.

Yaa weligiis arkay qof banuu aadam ah oo waxaas ku hadli kara ?!!! yaase heerkaas gaarsiin kara Takfiirka iyo gaalaysiinta dadka Muslimiinta ah.

Ma dhici kartaa in xataa kuwa ugu hadalka xun gaalada iyo dadka miyirka la' ay ku hadlaan waxan ay wahaabiaydu sheegeen . ?!

Intaas oo dhan waxaa ka sii daran in wadaadada waxaas faafiyey ay yihiin Bin Baaz , Cusaymiin , Jabareyn , C/Casiis Aala Shaykh , Fawsaan , Ibnu Khayaad , Wa C/Razaaq Cafiif iyo dhammaan sheekhyada ugu waawayn Wahaabiyada caalamka oo dhan .

Haddaba , su'aashu waxay tahay maxay diinta Islaamku ka qabtaa hadalka ay qoreen wahaabiyada uu ugu waynaa Binbaas ee Imaamyaalka suufiyada iyo muslimiinta raacsan ku sheegaya in ay yihiin Gaalo aamminsan in Ibliis , fircoon iyo wax kasta oo xun ay yihiin Ilaah ay caabbudaan suufiyadu ?

Ma bannaantahay in wahaabiayda waxaas aamminsan lagu sheego sheekhyaal iyo ducaad diin sax ah faafinaya.?

Intan kuma eka caayda iyo gaalaysiinta naxdinta leh ee sheekhyada wahaabiyadu u geysteen Imaamyaalka Diinta Islaamka ee Suufiyada iyo muslimiinta ahlu dariiqada ah.

waxay bogga kitaaabkaas ku qoreen :


و في ص-53- كل شيئ عندهم رب وأله

وفي ص71- العبد عين الرب عندالصوفية .

وص93- الكون هو رب الصوفية .

وص105- ليس لله وجود عند الصوفية

وص121-فرعون عندالصوفية رب موسي وسيده

وص 131- رب الصوفية أمرأة


Oo macnaheedu yahay :-

• Bogga 53 waxay ku qoreen in Suufiyadu aamminsanyihiin in wax kasta oo xun ay yihiin Rabbiga suufiyada.

• Bogga 71 waxay ku qoreen in suufiyadu aamminsanyihiin in Adduunku uu yahay Rabbiga Suufiyada.

• Bogga 93 waxay ku qoreen wahaabiyadu in Koonka – Adduunka oo dhan uu yahay Rabbiga Suufiyada.

• Bogga 105 waxay ku qoreen in suufiyadu aammiinsanyihiin in aan Alle jirin.

• Bogga 114 waxay ku qoreen in Gaalnimada suufiyadu ay tahay gaalnimada ugu xun.

• Bogga 121 waxay ku qoreen wahaabiyada in Suufiyadu aammin-san-yihiin in Fircoon uu yahay Rabbiga iyo Sayidka Nabi Muuse CSW.

• Bogga 131 waxay ku qoreen in Suufiyadu aammin-sanyihiin in Rabigoodu uu yahay Naag ( Haweeney ) .

Aqristayaasha aqoonta iyo garashada leh ayaan u daynayaa jawaabta waxa dadka noocaan ah lagu sheegi karo.

Sugo dhammaystirka mowduucan oo intaan ka sii yaab badan

waa socotaa ----

Lajnada wacyi gelinta Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.








MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved